4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 17, 2017
Ra’iisul wasaaraha dalka Canada oo la kulmay wiil yar oo isaga loogu magac-daray

https://www.hiiraan.com/images/2017/July/ 
Isniin, July, 17, 2017 (HOL) –Ra'iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau, ayaa la kulmay wiil yar oo isaga loogu magac-daray. Wiilka yar ayaa magiciisa waxaa uu yahay Justin Trudeau Adam Bilan, waxaana uu ka dhashay qoys Qaxooti ah oo kasoo cararay wadanka Suuriya haddana ku nool dalka Canada.

Qoyska Suuriyaanka ah ayaa sheegay sababta Ra’iisul wasaaraha ay ugu magac dareen wiilkooda in ay tahay si ay ugu mahad celiyaan siyaasiga dalkiisa magangelyada siiyey wiilka yar ee dhashay.

Wiilka oo hadda ah labo-bilood jira ayaa Sabtigii lasoo dhaafay la kulmay Ra’iisul wasaaraha, waxaana lagu qaabilay Qasri ku yaalla magaalladda Calgary.

https://www.hiiraan.com/images/2017/July/ 
Wiilka yar ee lagu magacaabo Justin Trudeau Adam Bilan, ayaa bishii May ku dhashay magaalladda Calgary, waxaana qoyskiisa iyo laba carruur ah oo ay wateen ay kasoo qaxeen dalka Suuriya mudo bilooyin hadda laga joogo, waxaana ay ay kasoo cararreen magaalladda Dimishiq ee caasimada dalka Suuriya.

Markii qoyskani ay gaareen Montreal bishii February ee sanadkii hore, Ra'iisul Wasaare Trudeau, garoonka kuma uusan soo dhoweyn sidii Qaxootigii kale ee Suuriyanka ee tagay dalkaasi, balse waalidka ilmahan yar dhalay ee lagu kala magacaabo Maxammed iyo Cafraa Bilan ayay la noqotay in ay si uun ugu mahad celiyaan Ra’iisul wasaaraha, waxaana wiilkii u dhashay lamaanahaasi ay ugu magac-dareen Ra'iisul wasaaraha Canada, Justin Trudeau.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia