4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 17, 2017
Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo eeddo usoo jeediyey xukuumadda iyo xisbigeedda

 

Isniin, July, 17, 2017 (HOL) – Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, Maxamed Cabdilaahi Uurcade ayaa sharci daro ku tilmaamay in ciidamo lagu wareejiyo oo la xidho Xafiisyadii xisbiga WADDANI uu ku lahaa magaalooyinka Gabiley, Nasiye iyo Qoyta, waxaanu xukuumada Kulmiye ugu baaqay in si dhakhso ah ay uga qaadaan ciidamadaasi.

Maxamed Cabdilaahi Uurcade, Xoghayaha Xisbiga Waddani waxa uu sheegay in xisbiga Waddani aanu marnaba aqbali doonin sharci daro lagu xidho Xafiisyadooda, taageerayaashooda iyo Masuuliyiintooda gobolada dalka u joogta.

“Gabiley si sharci daro ah oo aan waafaqsanayn shuruucda dalka oo hanjabaad iyo cago juglayn ah ayaa ciidankii qaranka xafiiskii Waddani loogu wareejiyey, iyadoo muwaadinkii uu ka kireeyey nootaayadii ay kala qorteen wax ka dhimanina aanay jirin, muwaadiniina ay yihiin dalka leh, xaqna u leh cidina aanay u diidi karin.”ayuu yidhi Uur-cadde.

Waxaanu intaas ku daray “Waxaanu xukuumada Somaliland iyo xisbiga Kulmiyeba uga digaynaa oo aanu leenahay si degdeg ah ha uga qaadaan ciidankaa ay ku xeereen hadii ay ka qaadi waayaan sharci darada xisbiga Waddani marna ma aqbalayo, wax waloo ay ku kalifaysana yeeli maayo wax sharci daro ah iyo caga-juglayna in Kulmiye iyo xukuumada oo isku duubani ay sameeyaan, kana aqbali mayno Gabiley iyo Qardho-toona ka yeeli mayno.”

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani mar uu ka hadlayey Shaqaalaha dawlada ee ololaha xisbiga Kulmiye ka dhex muuqda ayaa waxa uu yidhi “Waxaa kale oo iyaduna soo baxaysa in olole ay ku jiraan Maareeyeyaal, Agaasimayaal in dhamaan shaqaalihii xukuumadu uu si toos ah ugu jiro olole oo uu ka ololaynayo bari iyo galbeedba, Madaxweyne ku xigeenkuna amar bixiyey laakiin aan amarkii la raacayn, waxaanu leenahay waxa uu dalku dal ku yahay, dadkuna ay dad ku yihiin, xisbiyaduna ay xisbiyo ku yihiin waa nidaamka, Kulmiye nidaamka ha u soo noqdo.”

Sidoo kale, waxa uu dhaliilay wasiiro roog cas loo dhigay oo olole ugu jira xisbiga,isla markaana sidii madaxweynaha oo kale loo soo dhoweynayo, taas oo sharci daro ku tilmaameen.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland