4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 17, 2017
Howlgallo Miina-baaris ah oo laga sameeyay G/Sh/Hoose

 https://www.hiiraan.com/images/2017/July/
Isniin, July, 17, 2017 (HOL) –Afhayeenka Ciidamada dowladda ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ciise, ayaa sheegay in ay howlgallo Miina-Baaris ah ay ka sameeyeen deegaannada Buufoow, lambar Konton ilaa deegaanka lambar Lixdan ee Gobolka  Shabeellaha Hoose.

“Waxaan dhulka ka saarnay ilaa 18 Miino, waxaana Miinooyinkaasi dhulka ku aasay Al Shabaab”, sidaasi ayuu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenka.

Dhinaca kale maamulka ayaa sheegay in ay sii wadayaan howlgallada noocaan oo kale ah ee waddooyinka looga saarayo miinooyinka.

Bilihii lasoo dhaafay, waxaa jiray Qarax miino oo degaan u dhow magaalladda Marka lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Africa ee AMISOM.

Degaannada Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa inta badan Qaraxyo miina ah lagula eegtaa kolonyada ay la socdaan ciidanka dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.

Horaantii sanadkan  ciidamo ka tirsan AMISOM, ayaa howlgallo Miina-Baaris ah ka sameeyay waddada isku xirta Magaalladda Muqdishu iyo degmadda Afgooye.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia