4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 17, 2017
AMISOM oo beenisay in mid ka mid ah gadiidkooda qof dumar ah ku dilay duleedka Muqdisho

 

Isniin, July, 17, 2017 (HOL) –Howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa iska dafiray warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta, kaasoo ahaa in mid ka mid ah gaadiidkooda uu qof haweeney ah ku dilay duleedka Muqdisho.

War qoraal ah ka soo baxay Taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in 9-kii bishan July kolonyo ciidan oo ay lahaayeen qarax miino lagula eegtay agagaarka deegaanka Arbacow oo qiyaastii 20KM waqooyi galbeed ka xiga magaalada Muqdisho.

AMISOM ayaa sheegtay in qaraxaas uu ka dhashay dhaawac iyo burbur xoog leh soo gaartay mid ka mid ah gaadiidkooda.

Haweeyneydan ayeey sheegeen in ay ku dhaawacantay firirka qarax miino oo loola eegtay gadiidkooda.

Haweeneyda dhaawaca soo gaaray ayaa la sheegay in ay laheyd Uur, iyadoo deg deg loogu qaaday isbitaalka AMISOM ee heerka labaad, halkaasoo lagu daaweeyay, iyadoo markii dambe loo gudbiyay mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla bartamaha magaalada Muqdisho.

AMISOM ayaa sheegtay in xaalada haweeneyda ay aad u wanaagsan tahay, ayna ku jiro helida daryeel.

Dhawaan ayeey aheyd markii mid ka mid ah gadiidka howlgalka AMISOM dulleedka Muqdisho ku dilay dad wadda saarnaa Mooto oo ku socdaalayay waddada isku xirta Muqdisho iyo ceelasha biyaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]