4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 17, 2017
Kenya oo howlgal ka wada xadka ay la wadaagto Soomaaliya

 

Isniin, July, 17, 2017 (HOL) - Ciidamada Ammaanka dalka Kenya ayaa howlgallo culus waxa ay ka waddaan xadka Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan , waxaana howlgalladaasi lagu baadigoobaya dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidammada Ammaanka dalka Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkaan lagu xaqiijinaayo Ammaanka xuduudka labada dal oo inta badan Al-Shabaab ay ka soo gudbaan,islamarkaana ay weeraro ka geystaan gudaha Kenya.

Waxaa uu sidoo kale sheegay intii howlgalka ay ku jireen in ay soo qabteen dhalinyaro lagu tuhmaayo in ay Al-shabaab xiriir la leeyihiin.

Ciidamada Ammaanka dalka Kenya ayaa bilihii la soo dhaafay laba jibaaray howlgallada ay ka waddaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa weeraro Khasaare badan dhaliyay ku qaaday dalka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari, waxaana horraantii Bishaan Bandow lagu soo roggay degaano ka tirsan dalka kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]