4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 17, 2017
Xeer ilaaliyaha Qaranka oo ku baaqay in dib loogu laabto Kuraasta baarlamaanka ee wali khilaafku ka jiro

 

Isniin, July, 17, 2017 (HOL) - Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo markii ugu horeysay ka hadlay kuraasta baarlamaanka ee wali leysku hayo ayaa sheegay in dib loogu laabto doorashada 8 da Kursi ee maxkamada sare go’aanka ka soo saartay.

Xeer ilaaliyaha ayaa tilmaamay in aysan macquul aheyn in aan la dhaqan gelin oo aan la dhageysan go’aanada muhiimka ah ee ka soo baxa maxkamada sare ee dalka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Baarlamaanka laga doonayo in ay tixgeliyaan oo ay maqlaan go’aanka Maxkamada ay gaartay dibna doorasho loogu celiyo Kuraansta ay tilmaantay maxkamada ee cadaalad darrada iyo Musuqa ku soo baxay.

“ Waxaan taageerayaa go’aanka maxkamada sare ka soo baxay anaga ma dooneyno in aan u kala safano xildhibaanada baarlamaanka balse waxaa muhiim ah in laga shaqeeyo cadaaladda oo dib doorasho xalaal ah loogu  celiyo kuraasta aan saxneyn ee baarlamaanka ku jira “ayuu yiri xeer Ilaaliyaha Qaranka”.

Waxaa uu sheegay in baarlamaanka laga doonayo hada in ay si shuruud la’aan ah ku fuliyaan go’aanka ka soo baxay Maxkamada Sare ee dalka isla markaana ay sharciga ilaaliyaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]