4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 16, 2017
BELEDWEYNE : Kooxo hubeysan oo toogtay Askari ka tirsan ciidamada nabad-sugida

 

Axad, July, 16, 2017 (HOL) – Koxo hubeysan ayaa caawa xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne ku dilay Askari ka tirsanaa ciidamada nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya.

Goob jooge ayaa u sheegay warbaahinta in raggii Askariga dilay goobta ka baxsadeen, iyaga oo horay u sii qaatay qorigii uu sitay.

Saraakiil ka tirsan hay’adda nabad-sugida ayaa sheegay in ay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay dilka askariga ka tirsanaa ciidamada nabad-sugida Soomaaliya oo caawa lagu dilay Beledweyne.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa ka soconaya howlgal ballaaran oo ay sameynayaan ciidamada amniga.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]