4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 16, 2017
Ra’iisal wasaaraha Canada Justin Trudeau oo qaabilay Ilmo yar oo loogu magac-daray

 

Axad, July, 16, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa la kulmay Ilmo ka soo jeeda qoys Syria u dhashay kuwaa wiilkooda ugu magac-daray siyaasigan si ay uga mahad celiyaan soo dhaweynta uu u fidiyay.

Wiilkan yar oo labo bilood jir ah oo magaciisa oo buuxa yahay  Justin Trudeau Adam Bilan, ayaa markii uu ra’iisal wasaaruhu qaadayay gama’sanaa, waxaana ay xafladda uu ra’isal Wasaaraha ku qaabilay qoyska ilmahaa yar dhalay ka dhacday Calgary Stampede Sabtidii.

Wiilkan ayaa ku dhashay magaalada Calgary bishii May ee sannadkan dhowr bilood kaddib markii ay waalidkii ka soo barakaceen dagaallada dalka Syria.

Bishii  February ee sanadkii hore markii ay qoyskan soo gaareen Montreal ra’isal wasaare Trudeau Madaarka ama Garoonka ugama uusan hor iman si la mid ah siddii uu qaxootiga kale ee Syria uu u sameeyay.

Ra'iisal wasaaraha dalka Canada ayaa soo dhaweyn u fidiyay qaxootiga ka soo baxsanayay dagaallada dalka Syria kaddib markii madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay xayiraad dhinaca socdaalka ah oo lagu soo rogay  dadka ka imanaya Lix dal oo muslim ah.

Intii u dhaxeysay November 2015 markii uu ra'iisal wasaaraha noqday Justin Trudeau ilaa January sanadkan dalka Canada waxaa dib u dajin loogu sameeyay 40,000 oo qaxooti Syria ah kuwaa oo 1, 000 ka mid ah u dhaqaaqeen dhinaca magaalada Calgary.

Waalidka  dhalay wiilkan lagu magacaabo Justin  ayaa go’aansaday in ay si uun ugu mahad celiyaan ra'iisal wasaaraha Canada, iyaga oo wiilkooda ku magacaabay Justin Trudeau.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]