4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 16, 2017
Dowladda oo lagu wareejiyay qalab loogu talagalay Dekedda Muqdisho

Axad, July, 16, 2017 (HOL) – Shirkadda Al-Bayrak ayaa maanta dowladda Soomaaliya ku wareejisay qalab-loogu tala galay Dekedda Muqdisho, kaasi oo isugu jira qalabka Rarida iyo dejinta.

Qalabkan oo si gaar ah loogu wareejiyay wasiirka dekeddaha Soomaaliya Maryan Aweys ayaa isugu jira Wiishas, Agab lagu qaado xamuulka, Cagaf-cagaf iyo Qalab kale.

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya Maryan Aweys oo warbaahinta kula hadashay gudaha Dekadda ayaa waxaa ay sheegtay qalabkan uu muhiim u ahaa Dekadda, wax badan uu ka tari doono.

Waxaa ay sheegatay muhiim in ay aheyd qalabkan in mar hore la keeno, laakiin howlo badan oo jiray awgeed ay dib u dhaceen, balse wixii hada ka dambeeya lagu fududeyn doono shaqada Dekadda.

Wasiirka ayaa u mahad celiysay shirkadda Al-Bayrak, waxayna ka codsatay in ay kordhiyaan dadaalka ay wadaan oo ay ku hormarinayaan dib u dhiska dalka.

Sidoo kale Wasiir Maryan ayaa sheegtay Dekadda in ay tahay laf dhabarta dalka, lana rabo in howlaheedii ay sii socdaan oo aysan hakad gelin.

Dhinaca kale Axmed Saami oo ah mas’uulka shirkadda Al-Bayrak ee Dekadda ayaa sheegay haddii ay yihiin shirkadda Al-Bayrak in ay ku dadaalayaan mar walba in ay keenaan wax walba oo looga baahan yahay.

Waxaa kaloo uu sheegay Axmed Saami qalabkan ay keeneen in uusan halkan ku ekaan doonin oo agabyo kale ay keeni doonaan, isaga oo Alle ka baryay qalabkan in uu noqdo mid ummadda Soomaaliyeed ay ku faa’idaan.

Shirkadda Al-Bayrak ayaa ah shirkadda gacanta ku heysa Dekadda Muqdisho, waxaana ay ka qeyb ka aheyd shirkaddihii ka qeyb qaatay in ay wax ku bixiyaan Abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]