4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 16, 2017
Duqeyn lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-shabaab gobolka Gedo

 

Axad, July, 16, 2017 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya duqeyn lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Al-shabaab sida laga soo xigtay mas’uuliyiin  maamulka.

Gudoomiye ku xigeenka amniga maamulka gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu dilay ku dhawaad 40 ruux oo isugu jira saraakiil iyo askar ka tirsan Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay in la dilay saddex ruux oo ajaanib ah oo mid ka mid ah uu yahay Cadaan, halka labada kalena uu ku sheegay in ay ahaayeen ajaanib ka soo jeeda qaarada Africa.

Marka laga soo tago sheegashada maamulka Gedo, ma jiraan ilo madaxbanaan oo warbaahinta u qaxiijinaya duqeynta la sheegay in lagu bartilmaameedsaday Al-shabaab.

Deegaanka Kabis oo duqeynta ay ka dhacday ayaa ku dhaw magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo, waana deeganada ay maamulaan Ururka Al Shabaab.

Al-shabaab ayaa wali kama aysan hadlin warka ka soo baxay maamulka Gedo ee la xiriira duqeyntan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]