4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 16, 2017
Internet –ka Fiber Optic oo la filayo in la helo saacadaha soo socda

 

Axad, July, 16, 2017 (HOL) - Wasaaradda Boostadda iyo isgaarsiinta ayaa ka warbixisay cilad bixinta Internet-ka ayadoo oo shaaca ka qaaday in howshaas mareyso saacadihii ugu danbeeyay ee ciladbixinta.

Wasiirka wasaarada Boostada iyo is gaarsiinta ee Xukuumada Soomaaliya Eng Cabdi Canshuur Xasan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in saacadaha soo socdo si buuxdo dib loogu heli doono adeegii internetka.

Wasiirka ayaa sheegay in howlaha cilad bixinta adeegaas ay meel wanaagsan mareyso isla markaana ay rajeynayaan in la soo gabagabeeyo saacadaha soo socdo haddii uu Rabi idmo.

Maqnaashaha Internetka ayaa sababtay khasaare xoogan oo ka soo gaartay ganacsatada Soomaaliyeed waxayna dowladd Soomaaliya sheegtay in si buuxdo loo qiimeyn doono qasaarihii ka dhashay maqnashaha internetka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]