4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 16, 2017
Xildhibaan Cosoble oo Dowladda ka Dalbaday in dib eegis lagu sameeyo Go'aankii ay Somalia ka qaadatay Khilaafka Khaliijka


Axad, July, 16, 2017 (HOL) -Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble Cali oo madax u ah guddiga arimaha dibadda ee Barlamaanka Somalia ayaa waraaq uu u diray madaxda dowladda Somalia kaga dalbaday in dib u eegis lagu sameeyo go'aankii ay dowlad-du ka qaadatay muranka Khaliijka.

"Mudane madaxweyne ujeedada warqad-dan waxa ay ku saab-santahay khilaafka khaliijka ka jira iyo go'aanka siyaasadeed ee ay dowlad-du ka qaadatay ,kaasi oo walaac iyo wal-wal badan ay ka muujiyeen guddiga arimaha dibadda ee golaha shacabka dalka " ayuu ku  yiri Cosoble oo waraaqdan u diray madaxweynaha iyo gudoomiyaha barlaamanka Somalia.

Waxaa gudoomiye Cosoble uu sheegay in loo baahan-yahay wada tashi ay u dhan-yihiin xildhibaanada barlamaanka iyo madaxda dowladda ,kuwaasi oo mar kale dib loogu milicsanayo saamaynta uu khilaafkan ku  yeelan karo xasiloonida dalka.

"Waxaa waraaqdan iga codsaday in aan kula wadaago guddiga arimaha dibadda ee barlamaanka iyo xildhibaanada qaar , hadaba si loo mideeyo ama la isugu soo dhaweeyo mowqifka dowladda , siyaasiyiinta kale iyo shacabka waxaan ku talinayaa  in dood laga furo wada-tashina ay dowladdu la samayso siyaasiyiinta iyo xildhibaanada golaha shacabka " ayuu mar kale ku yiri waraaqdan oo la filayo in ay gaartay madaxda dowladda ugu  saraysa.

Xildhibaanka ayaa sheegay in wada-tashiyadan ay meesha ka saari doonaan saamayn Somalia uga imaan karta khilaafka Khaliijka ,mana jirto dowlad magaceeda lagu xusay waraaqdan ama dowlad-da looga dalbaday in ay la safato.

Ugu danbayn, Dowladda Somalia ayaa go'aan dhex-dhexaad ah kaga qaadatay khilaafka hareeyay Khaliijka , xili go'doomin uu hogaaminayo Sacuudiga la saaray dowladda Qadar oo lagu eedeeyay in ay taageerto kooxaha argagaxisada ah ,walow ay Qadar beenisay eedaymahaasi.

Faysal M. Hassan
[email protected]