4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 16, 2017
Al-shabaab oo dilay Kenyaan ka tirsanaa Ururkooda

 

Axad, July, 16, 2017 (HOL) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Al-shabaab toogasho ku dileen mid ka mid ah Askarta Kenyaan ah ee ka bar bar dagaalama.

Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation oo soo xiganayay Ehelada iyo saraaakiil Kenyaa ah ayaa shaqsigan la dilay ayaa lagu magacaabaa Mustaf Hassan Maxamed.

Sarkaalkan ayaa la sheegay in la dilay todobaadkii hore, markii uu ka soo hor-jeestay weerarada Al-Shabaab ka geysanayeen gobolka waqooyi bari Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in muran soo kala dhex galay Sarkaalkan iyo Taliyeyaashiisa ay keentay in la dilo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Al-shabaab iyo sarkaalkan Kenyaan ah ee la dilay isku maadhaafeen dilalka iyo weerarada Al-shabaab ay ka fulinayaan gobolka Waqooyi Beri Kenya, taasoo keentay in ay toogtaan. 

Al-Shabaab ayaa horay u dilay muwaadiniin Kenyan ka barbar dagaalamayay, kaddib markii ay ku eedeeyeen in ay u basaasayeen Sirdoonka Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]