Doon siday 90 qof oo Qaxooti Soomaali ah oo ka yimid Yemen oo dekadda Berbera soo gaartay
Axad, July, 16, 2017
(HOL) – Doon siday illaa Sagaashan qof oo
qaxooti Soomaali ah oo ay ku jiraan 12 qof oo ka mid ah dadkii ka badbaaday
doontii Xeebta Yemen diyaaraduhu ku doqeeyeen Bishii 3aad ee sanadkan oo
intooddii badnayd ku geeriyoodeen weerarkaasi xaga cirka kaga yimid ayaa soo
gaadhay dekadda Berbera.
Qaxootan
oo 12 qof oo dhaawac ahi la socdaan ayaa laga soo dajiyey,isla markaana la
dajiyey goobo ay xukuumaddu ugu tallogashay inay saddex cisho ku nastaan, taas
oo ay iska kaashadeen xukuumadda, unicef iyo IOM.
“
Dadkan qaxootiga ahi waxay ka yimaadeen Yemen, waxa ku jira shan qof oo jajaban
oo ay biro ku jiraan, saddex qofna ay go’an yihiin xubnaha jidhkooda, waxa kale
oo jirta gabadh ku indho beeshay oo doontii la wareeray la socotay, inta kale
way wanaagsan yihiin, wixii kale ee xanuunsaday xaaladoodda waanu la tacaali
doonnaa”ayuu yidhi Cabdiqaadir Axmed oo ka socday hay’adda IOM oo ka warbixinayey
dadkan qaxootiga ah
Umal
Khayr Casayr IIdaan waxay ka mid tahay dumarka ku indho beelay weerarkii doonta
tahriibayaash ah lagu weeraray bishiii 3aad,waxaanay ka war bixisay sidey wax u
dhaceen iyadoo ka waramaysa waxay tidhi “wakhtigaasi wakhti aad u xun buu ahaa,
bishii 3aad ee sanadkan anagoo badda dhexdeeda marayna ayaa qarax la nagu
dhuftay, dadkii badi way wada dhinteen, badhka way ku dhaawacmeen, qaarna way
ku indho beeleen, aniga indhaha waxa igaga dhacay Shiidaalkii Doonta, iyo
rasaasihii la inagu ridayey, weerarkuna wuxuu bilaabmay sideed fiidnimo illaa
kow iyo tobankii habeenimana way naga joojiyeen weerarka,”
Umal
Khayr Casayr waxay sheegtay inay dadka rakaabka la socday doonta ay ahaayeen
145 qof, balse ay u badnayeen reer Togdheer oo lixdan ka mid ahaayeen reer
Togdheer.
Haweenay
kale ayaa iyaduna sheegtay in ay shilkaasi ku geeriyoodeen 42 qof oo iskugu
jiray 31 rag ah iyo 11 dumar ah, waxaanay sheegtay inay iyadu xabaddi kaga
dhacday naaska iyo labadda lugood oo ay ka jaban tahay.
Dadkanka ka
soo badbaaday weerarkaasi arxan darradda ahaa ee ay gaysteen diyaarado loo
malaynayo inay ahaayeen diyaadaha isbahaysiga Sucuudigu hogaaminayo ee dagaal
kula jira xuutiyiinta Yemen ayaa intii ka badbaaday soo gaadhay magaaladda
Berbera, waxaana dadkaasi la gaadhsiin doonaa qof walba deegaankiisa.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland