3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 16, 2017
Wasiirka Maaliyada: In Soomaaliland lagu soo darro miisaaniyada dowladda waqti ayeey u baahan tahay

 

Axad, July, 16, 2017 (HOL) – Wasiirka wasaaradda maaliyada xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle oo maalintii shalay hortagay mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya ayaa ka hadlay sababta Soomaaliland aysan qeyb uga aheyn miisaaniyada dowladda ee la horgeeyay baarlamaanka.

Wasiirka ayaa sheegay in miisaaniyada ay soo diyaariyeen tahay oo kaliya mid ku kooban dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada, isaga oo sheegayin arinta Soomaaliland u baahan tahay waqti kale iyo in marka hore siyaasada laga heshiiyo.

‘’Soomaaliland waad ogtihiin hadda wada hadalo ayaa socda, marka hore waxaa haboon in siyaasada laga heshiiyo, markaa kaddib waxaa rajeyneynaa in aan yeelano hal miisaaniyada oo isku mid ah dalka oo dhan’’ ayuu yiri wasiirka maaliyadda.

Soomaalilnad ayaa horey u sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, laakiin dowladda Soomaaliya ayaa u aragta qeyb dalka ka mid ah, waxaana jira wadahadalo labada dhinac u dhaxeeya, inkastoo wada hadalladaasi yihiin kuwo lagu kala aragti duwan yahay.

Miisaaniyada la horgeeyay baarlamaanka ayaa waxaa ku jira maamul gobolleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo gobolka Banaadir oo qeyb ka ah misaaniyada ay dowladda soo diyaareysay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/16/2017 4:08 PM EST
Axad,July, 16, 2017 (HOL) – Koxo hubeysan ayaa caawa xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne ku dilay Askari ka tirsanaa ciidamada nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya.

7/16/2017 2:03 PM EST
Axad, July, 16, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa la kulmay Ilmo ka soo jeeda qoys Syria u dhashay kuwaa wiilkooda ugu magac-daray siyaasigan si ay uga mahad celiyaan soo dhaweynta uu u fidiyay.

7/16/2017 12:09 PM EST
Axad, July, 16, 2017 (HOL) – Shirkadda Al-Bayrak ayaa maanta dowladda Soomaaliya ku wareejisay qalab-loogu tala galay Dekedda Muqdisho, kaasi oo isugu jira qalabka Rarida iyo dejinta.

7/16/2017 11:43 AM EST
Axed, July, 16, 2017 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya duqeyn lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Al-shabaab sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta maamulka.

7/16/2017 9:10 AM EST
Axad, July, 16, 2017 (HOL)-Wasaaradda Boostadda iyo isgaarsiinta ayaa ka warbixisay cilad bixinta Internet-ka ayadoo oo shaaca ka qaaday in howshaas mareyso saacadihii ugu danbeeyay ee ciladbixinta.

7/16/2017 6:18 AM EST
Axad, July, 16, 2017 (HOL) -Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble Cali oo madax u ah guddiga arimaha dibadda ee Barlamaanka Somalia ayaa waraaq uu u diray madaxda dowladda Somalia kaga dalbaday in dib u eegis lagu sameeyo go'aankii ay dowlad-du ka qaadatay muranka Khaliijka.

7/16/2017 3:53 AM EST
Axad, July, 16, 2017 (HOL) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Al-shabaab toogasho ku dileen mid ka mid ah Askarta Kenyaan ah ee ka bar bar dagaalama.

7/16/2017 2:22 AM EST
Axad, July, 16, 2017 (HOL) – Doon siday illaa Sagaashan qof oo qaxooti Soomaali ah oo ay ku jiraan 12 qof oo ka mid ah dadkii ka badbaaday doontii Xeebta Yemen diyaaraduhu ku doqeeyeen Bishii 3aad ee sanadkan oo intooddii badnayd ku geeriyoodeen weerarkaasi xaga cirka kaga yimid ayaa soo gaadhay dekadda Berbera.

7/16/2017 1:13 AM EST
Axad, July, 16, 2017 (HOL)- Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdogan ayaa ku eedeeyay waddamada Galbeedka munaafaqnimo, xilli maanta uu dalkiisa xusayo sanad guuradii koobaad ee kasoo wareegtay isku-daygii afgembi.

7/16/2017 12:59 AM EST
Axad, July, 16, 2017 (HOL)- Todobo ruux oo shaqaale ka ahaa hay'ad ka howgaleysay Bartamaha iyo Koonfurta Soomaalia ayaa lagu waramayaa in lagu afduutay gudaha gobolka Baay.