Axad, July, 16, 2017 (HOL) - Madaxweynaha
Turkiga, Rajab Tayib Erdogan ayaa ku eedeeyay waddamada Galbeedka munaafaqnimo,
xilli maanta uu dalkiisa xusayo sanad guuradii koobaad ee kasoo wareegtay
isku-daygii afgembi.
Madaxweyne Erdogan oo maqaal ku qoray wargeys ayaa sheegay in aanay wax
marmarsiyo ah haysan dalalka saaxiibka la ah Turkiga ee sugay inta ay ka kala
caddaanayso xaaladda isku-daygii afgembi.
Waxa uu intaa ku daray in dalalka qaar ay magangelyo siiyeen xulafada
Fethullah Gulen, oo ah wadaad fadhigiisu yahay Maraykanka, Erdogan-na uu ku
eedeeyay in uu ka dambeeyay falkaasi.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku gacan-sayray eedeymaha ah in xukuumaddiisa
ay gacan bir ah ku qabatay dadka lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen
isku-daygaasi afgembi.
Dalka Turkiga waxaa maanta ka dhacaya munaasabado dhowr ah oo lagu xusayo
sanad guurada koobaad ee kasoo wareegtay isku-daygii afgembi ee ka dhanka ahaa
madaxweyne Rajab Tayid Erdogan.
15-ka July ayaa waddankaasi looga asteeyay maalin fasax qaran ah, ayadoo la
xusayo dhacdo uu madaxweyne Erdogan ku tilmaamay mid bedeshay taariikhda
Turkiga.
Madaxweynaha ayaa shir gudoomin doona kulan gaar ah oo uu maanta
baarlamaanka Turkiga yeelan doono, ka hor inta aanu magaalada Istanbul uga
qeybgalin isu soo bax ka dhici doona buundada Bosphorus, halkaasi oo dad
diiddan isku-dayga afgembi ay habeenkii 15-ka July 2016 kaga hortageen askartii
fulinaysay.
Xukuumadda Ankara ayaa soo saartay wareegto aya shaqada kaga ceyrisay in ka
badan todobo kun oo isugu jira saraakiil booliis ah, xubno dowladda ka tirsan
iyo aqoonyahanno.
Ankara ayaa ka dooneysa Maraykanka inuu Turkiga ku wareejiyo wadaadka
Fethullah Gulen, oo ay sheegtay inuu ka dambeeyay isku-daygaasi afgembi.
Madaxweyne Erdogan ayaa dalbaday in marnaba aan wax damqasho ah loo muujin
kuwa shaqada laga tiray.
Xigasho : BBC