4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 16, 2017
Shaqaale Samafal oo lagu afduubtay gobolka Baay

 

Axad, July, 16, 2017 (HOL) - Todobo ruux oo shaqaale ka ahaa hay'ad ka howgaleysay Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in lagu afduubtay gudaha gobolka Baay.

Shaqaallahan la afduubtay oo dhamaantood ahaa Soomali ayaa lagu kala sheegay Afar Dumar ah iyo saddex Rag ah kuwaa oo ka soo anbabaxay degmada Buurhakaba iyaga oo ku soo jeeday magaalada Baydhabo.

Lama oga ilaa iyo hadda cida ka danbeysan afduubka shaqaalaha, laakiin warar ayaa sheegaya in halka lagu afduubtay Shaqaalahaasi ay ka taliyaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa warbaahinta u sheegay in ay waddaan dadaallo kala duwan oo lagu badbaadinaayo Shaqaalahaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]