4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 15, 2017
Wasiir Beyle : Lacagihii ay Turkiga noo balanqaadeen wali nama soo gaarin

 

Sabti, July, 15, 2017 (HOL) - Wasiirka wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in muddo saddex bilood aanay qasnada dowladda ku soo dhicin lacagihii uu balan-qaaday Turkiga ee loogu tala galay kabka miisaaniyadda.

Dowladda Turkiga ayaa bishii April ku dhawaaqday in dowladda Soomaaliya ay ugu deeqeyso lacag gaareysa labo milyan oo dollar bil kasta, si ay kab ugu noqoto miisaaniyadda dowladda

“Saddex bilood ma bixin Turkiga lacagtii laga sugayay, waxay dhaheen labo milyan iyo bar ayaa bixineynaa, walina nama soo gaarin”ayuu yiri Wasiir Beyle oo ka jawaabayay su’aalo ay weydiiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka.

Wasiirka oo maanta hortagay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo uu kaga jawaabayay su’aalo laga weydiiyay miisaaniyada sanadka ayaa sheegay in aanay jirin wax kaalmo lacageed oo dibadda ka timid.

Sidoo kale Wasiirka ayaa wax laga weydiiyay mushaarka ciidamada iyo meelaha ay ka yimaadaan, isagoo xusay illaa bishii February ciidamada la siinayay mushaarka, waxaa uu tilmaamay inay ku dadaali doonaan sidii mushaarka ay dowladda u bixin laheyd oo laga kaaftoomi lahaa meelaha ay ka yimaadaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]