4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 15, 2017
Madaxweynaha Cosoble : Taliska ciidamada Hirshabeelle waxaa uu noqonayaa Buula-burte

Sabti, July, 15, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa sheegay in degmada Buulo Burde ay wixii hadda ka dambeeya ay noqon doonto xarunta taliska ciidamada Hirshabeelle.

“Ciidamada Hirshabeelle, haddii shalay labo qeyb ka kala tirsanaayeen, Shabeellaha Dhexe ay hoos tageysay Xamar, Hiiraan ay hoos tageysay Dhuusa-Mareeb, maanta waa mid hal xarun iyo hal Talis ayayna yeelanayaan oo ah Buulo Burde”ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka hadlayay isagoo ku sugan Beledweyn.

Waxaa uu sheegay in dhowaan la dhisi doono ciidamo Boolis ah oo gaar ah, isla markaana mushaarkooda uu bixin doono maamulkiisa.

Maamulka Hirshabeelle ayaa dhowaan sheegay in uu sameysan doono ilo dhaqaale oo u gaar ah, si uu u noqdo maamul iskiis u taagan oo ku tiirsan dhaqaalihiisa.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa sidoo kale amray xurmaha dowladda iyo goobaha danta guud sida Iskuulada iyo Isbitaallada la suro astaanta ama calanka maamulka Hirshabeelle, isaga oo intaa ku darray in tallaabo laga qaadayo cid walba oo arintaa ka dhago-adeygta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]