Sabti, July, 15,
2017 (HOL) – Dowladda Turkiga ayaa u dabaal-dageysa hal sano kaddib Afgambigii
dhicisoobay oo 15-ka July, isku dayeen kooxaha mucaaradka ah in ay kula
wareegaan tallaada dalka.
Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa milateriga ayaa
durbaba bilaabay dhaq dhaqaaq, iyagoo xiray buundada weyn ee Istanbul, xarumo
kale iyo idaacada iyo telefishinka dowladda, waxaana meelaha qaar ka dhacay
isku dhacyo kala duwan.
Saraakiil ciidan oo uu ka mid ahaa Taliyihii Ciidamada
Milateriga Turkiga ayaa lagu afduubtay xeradooda, iyadoo is rasaaseyn ay dhex
martay ciidamada afgambiga waday iyo kuwii ka soo horjeeday.
Diyaarado dagaal ee ay adeegsanayeen mucaaradka ayaa
waxay duqeeyeen goobo dhowr ah oo ka mid ah xarunta Baarlamaanka dalkaas.
Xilliga Afgambiga dhacayay Madaxweynaha Turkiga ayaa
fasax ku maqnaa, waxaana jiray isku day shirqool ahaa oo la doonayay in lagu
khaarijiyo, laguna duqeeyo hotelkii uu degenaa, hase ahaatee waa uu ka bad
baaday isku daygaas, isagoo si deg deg ah uga soo degay garoonka diyaaradaha
Istanbul.
Madaxweynaha Turkiga ayaa ugu baaqay shacabka dalkiisa
inay muujiyaan dibadbax ay ku diidan yihiin isku dayga afgambiga, waxaana
kaddib bilowday in kumanaan shacabka Turkiga ay isku soo baxaan waddooyinka.
Kumannaan ruux ayaa soo buuxiyay buundada Istanbul, waxaa
ay calanka Turkiga ay dul sureen gawaarida Ciidamada Milateriga ee ay xalay ku
gooyeen Buundada, iyagoo isku dhigay taangiyada ay wateen ciidamada afgambiga.
Intaas kaddib dowladda Turkiga ayaa dib ula wareegtay
awoodii dalka, iyadoo kaashaneysay shacabkii taageerayay, waxaana isu soo
baxyada ay aad u gil gileen dhamaan magaalooyinka dalkaas.
Dowladda Turkiga ayaa ku eedeysay in isku dayga afgambiga
fashilmay uu ka dambeeyay Wadaadka lagu magacaabo Fethullah Gullen, oo ku sugan
dalka Mareykanka, iyadoo ka dalbatay in lagu soo wareejiyo.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo hadlay
subaxnimadii 16-July ayaa sheegay in cawaaqib adag ay la kulmi doonaan kuwii ka
dambeeyay afgambiga.
Waxaa la xirxiray kumanaan ruux, halka shaqada laga
ceyriyay tiro intaas ka badan, waxaana dalka uu galay xaalad ka duwan sidii
hore.
Dalal badan ayaa cambaareeyay isku daygii afgambiga
dhicisoobay ee Turkiga, waxaana Soomaaliya ka mid aheyd dalalka is bar bar
taaga u muujiyay dowladda Turkiga, iyadoo dalka ka eriday Hey’addo uu leeyahay
Wadaadka lagu magacaabo Fethullah Gullen oo ku sugan dalka Mareykanka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]