3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 15, 2017
Kooxda Midnimo ee Minnesota oo u soo baxaday cayaarta finalka ee koobka Somali Week

 Sabti, July, 15, 2017 (HOL) - Kooxda kubadda cagta ee Midnimo FC oo ka dhisay gobolka Minnesota ayaa u soo baxaday cayaarta finalka ka dib markii at hal (1) gool kaga guuleystay kooxda Banaadir FC ee magaalada Toronto. Cayaartaas ayaa ahayd mid aad u xiisa badneyd oo dadweyne aad u farabadan at ka soo qayb-galeen.

Waxaa maanta magaalada Toronto ku wada cayaaridoona kooxaha kala ah Hilaac oo ka dhisan magaalada Toronto iyo North London ee ka dhisan magaalada London. Kooxdii ku guuleysata ayaa u soo bixidoonta cayaarta kama dambeysta ah ee FINALka oo la qaban-doono maalinta Axadda ee bishan July 16keeda.

Sidoo kale waxaa magaalada Toronto ka socda cayaarta kubadda cagta ee cayaartooydii cuslaatay oo ka kala yimid magaalooyinka Ottawa, Toronto, Washington iyo Boston. Kooxda Ottawa ayaa 6 gool kaga guuleysatay kooxdii ka socotay magaalada Boston.













Click here
7/15/2017 12:29 PM EST
Sabti, July, 15, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhambaal tacsi ah u diray Boqorka Sacuudiga, isagoo uga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Amiir C/raxmaan Bin Cabdul Casiis oo ka tirsanaa Qoyska Boqorka.

7/15/2017 11:43 AM EST
Sabti, July, 15, 2017 (HOL) - Wasiirka wasaaradda MaaliyadaXukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in muddo saddex bilood aanay qasnada dowladda ku soo dhicin lacagihii uu balan-qaaday Turkiga ee loogu tala galay kabka miisaaniyadda.

7/15/2017 11:27 AM EST
Sabti, July, 15, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa sheegay in degmada Buulo Burde ay wixii hadda ka dambeeya ay noqon doonto xarunta taliska ciidamada Hirshabeelle.

7/15/2017 11:04 AM EST
Sabti, July, 15, 2017 (HOL) –Raysul wasaare Xasan Cali Khayre iyo xubnaha golihiisa wasiirada ee ku sugnaa Kismaayo ayaa xalay xaflad isugu jirtay soo dhaweyn iyo sagootin loogu sameeyay aqalka martida Jubaland ee magaalada Kismaayo.

7/15/2017 10:01 AM EST
Sabti, July, 15, 2017 (HOL) –Dibad baxan oo ahaa mid xoogan , isla markaana looga soo horjeeday sicirka sarifka degmada Burtinle ayaa dhaawacay dhowr qof oo shacab ah ,kuwaasi oo carro xoogan kala hortagay qaar kamid ah ganacsatada degmada.

7/15/2017 7:08 AM EST
Sabti, July, 15, 2017 (HOL)–Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliland Sacad Cali Shire ayaa ka warbixiyey safar ay isaga iyo xubno wasiirro ah ku jageen dalka Jabuutii, islamarkaana ay kulan la yeesheen madaxweynaha Jabuuti

7/15/2017 5:51 AM EST
Sabti, July, 15, 2017 (HOL) – Xarrakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerar Khamiistii la soo dhaafay ka dhacay Gobolka xeebta ah ee Lamu, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ay weeraro xiriir ah ka geysanayeen.

7/15/2017 3:48 AM EST
Sabti, July, 15, 2017 (HOL)–Dowladda Turkiga ayaa sheegtay sheegtay in ay soo gabagabeeyeen saldhig military oo dowladdaTurkiga ay ka dhistay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

7/15/2017 3:26 AM EST
Sabti, July, 15, 2017 (HOL) – Dowladda Turkiga ayaa u dabaal-dageysa hal sano kaddib Afgambigii dhicisoobay oo 15-ka July, isku dayeen kooxaha mucaaradka ah in ay kula wareegaan tallaada dalka.

7/15/2017 1:07 AM EST
Sabti, July, 15, 2017 (HOL) – Labo haween dalxiisayaal ahaa oo dalka Jarmalka u dhashay ayaa toorrey lagu dilay hoteel ku yaalla xeebta Hurghada, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.

7/15/2017 12:59 AM EST
Sabti, July, 15, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabad magaalada Kismaayo loogu qabtay wafdiga gollaha xukuumada federaalka uu horkacayay ra’iisal wasaare Xssan Cali Kheyre, ayaa fariin u diray xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

7/15/2017 12:29 AM EST
Sabti, July, 15, 2017 (HOL)-Wasaaradda gaashaandhigga dalka Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn ay ka geysatay Waqooyiga Bari dalka Afghanistaan in lagu dilay hoggaamiyihii Daacish ee gobolka Kunar.