4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 15, 2017
Dalxiisayaal u dhashay dalka Jarmalka oo Toorey lagu dilay

 

Sabti, July, 15, 2017 (HOL) – Labo haween dalxiisayaal ahaa oo dalka Jarmalka u dhashay ayaa toorrey lagu dilay hoteel ku yaalla xeebta Hurghada, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.

Ugu yaraan afar qof oo kale ayaa lagu dhaawacay nin arrintaasi looga shakisan yahay ayaana la xiray.

Eedeysanahan ayaa waxaa su`aalo weydiinaya booliiska si ay u ogaadaan wuxuu damacsanaa, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi.

Ninkan ku hubeysnaa toorreyda ayaa dilay labada haween ka hor inta uusan hoteelka Zahabiya ku dhaawicin labo kale oo dalxiisayaal ahaa.

Kadibna wuxuu u dabaashay xeeb u dhoweyd wuxuuna weeraray dhaawacna u geystay labo qof oo kale oo ku sugnaa hoteelka Sunny Days El Palacio resort, kahor inta aysan xirin shaqaalihii goobtaasi ku sugnaa.

Sababta ninkan weerarka soo qaaday uu sidaasi u sameeyay ayaa weli la baarayaa, sida uu wasiirku sheegay.

Saddex dalxiisayaal ajnabi ah ayaa lagu tooryeeyay iska hoteelkaasi, bishii January sanadkii 2016, weerarkaas oo ay fuliyeen labo looga shakiyay inay ka tirsanaayeen kooxda isku magacwday Dowladda Islaamigaah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]