4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 15, 2017
Madaxweynaha Jubbaland ‘’ Baarlamaanka hadda jira waa mid wax badan ka duwan kuwii hore

 

Sabti, July, 15, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabad magaalada Kismaayo loogu qabtay wafdiga gollaha xukuumada federaalka uu horkacayay ra’iisal wasaare  Xassan Cali Kheyre, ayaa fariin u diray xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in xildhibaannada baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya yihiin kuwo wax badan ka duwan sida uu hadalka u dhigay xildhibaannadii ka horeeyay, isaga oo sheegay in mid walba oo ka mid ah kursiga ku taggay codka 51 qof oo ka tirsan Reerkiisa.

‘’ Marka hore waxaa wanaagsan in aan ogaanno baarlamaanka 10aad ee waqtigan shaqeynaya waa mid ka duwan kuwii hore, oday ma soo qorrin, maamul gobolleed ma keensan, mid walba oo ka mid ah waxaa uu meesha ku yimid codka 51 oo qof ka tirsan Reerka uu kursiga ku matalayo, sidaa daraadeed waxaa ay ka dhigan tahay in lala xisaabtamayo oo haddii ay wax qaldamaan xildhibaan walba dib loogu yeeri karo deegaankii laga soo doortay’’ ayuu yiri Axmed Madoobe.

Xukuumada uu hogaaminayo ra’iisal wasaare Kheyre ayuu ugu Laab-qaboojiyay in aysan jirin baqdin weyn oo laga qabi karo xildhibaannada baarlamaanka oo sida uu sheegay u badan rag dhalinyaro ah oo u damqanaya Qarannimada.

‘’Waxaa iska jira dhaqan soo jireen ah oo lagu bartay baarlamaannadii hore, laakiin waxaan is leeyahay baarlamaanka Soomaaliya ee xiligan shaqeynaya waa mid ay ka buuxaan dhalinyaro Aqoonyahanno u badan oo raba in horay loo socdo, marka ma jirto baqdin badan oo hadda iyaga laga qabi karo’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhinaca kale, madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in xildhibaannada baarlamaanka aysan mudneyn dacaayad iyo in loo adeegsado warar aan ka habooneyn, maadaama ayuu yiri ay iyagu yihiin kuwo asalka u ah dowladnimada.

‘’Anniga ma qabo in xildhibaannada la dacaayadeeyo ama loo adeegsado hadalo aan munaasab ku aheyn, waayo iyaga ayaaba dowladda hadda jirta dhalay oo madaxweynaha soo doortay, xukuumaddana Ansixiyay, iyaga ayaa nooga damqasho iyo laxjcelo badan inteena kale, sidaa daraadeed waan uga cudur-daarayaa in hawada loo mariyo hadal aan munaasabad ku aheyn’’ ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Hadalka madaxweynaha Jubbaland ayaa imanaya xili waayadii ugu danbeeyay uu jiray guux hoosaad tilmaamaya ay jiraan xildhibaanno diyaarinaya mooshin ka dhan ah xukuumada, inkastoo dhinaca kale inta badan xildhibaannadu beeniyeen in arintaasi jirto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]