Arbaco, July, 12, 2017 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Cali Saleebaan Ramaax, ayaa sheegay inuu xidh xidhay dad rabshaddo iyo falal anshax xumo ah kula kacay xisbiyadda qaar, kuwaas oo uu hor geyn doonno sharciga.
Ramaax oo ka hadlaya dad rabshaddo iyo falal amniga waxyeelaynaya ku kacay oo ay xabsiga u taxeen waxa uu yidhi “Waxaanu haynaa kuwii kabaha taagay, waxaanu haynaa kuwii abaabulayey waana daba joogna kuwii lacagta bixinayey, qofku haba ahaado xisbi laakiin hadii fal anshax xumo ah sameeyo oo deegaano iyo dad lagu shaanbadaynayo ama uu hub la gallo meel ama hadigaad la galo meel dee ma yeelayno waa shaqadda aan u xilsaarnayn talaabo ka qaadayna, xisbina kaga haybadaysan mayno waana u digaynaa waliba”
“Adeer horaa na loogu soo qaatay qoryo waanu ku dagaalanay Qaranimadda waanu ilaalinaynaa, maaha markii igu horeysay ee la ii wareero gobol aan la igu weerarin ma jiro, cidii na weerartayna qaarkood gacanta ayaanu ku haynaa, waxaana u keeni doona sharciga,”ayuu yiri mar uu ka hadlayey dad soo weeraray.
Guddoomiyaha waxaa xisbiyada u soo jeediyey in dadka ku biirayaan aanay cid kale sheegan balse naftooda uun ugu biiraan xisbiga ay doonayaan balse aanay deegaan iyo beel dhan ku shaanbadayn xisbi kaliya.
“Xisbiyada waxaan leeyahay ha iska daayaan naftoodda hafarka, ciyaal baa Bas la saarayaa markaasa la leeyahay reer hebel baa xisbigaasi galaya, laba ama sadex qof oo xisbi kaliya oo isku Qoys ah xaq uma laha in lagu shaanbadeeyo reer dhan, nin magaca reer ku hadli kara ma jiro waynu is wada ognahay”ayuu yiri.
Waxaanu intaas ku daray “xisbiyadu ha ka waantoobaan hadaladda xanafta leh iyo hadaladda dhibaataddu ka iman karto, xisbiyada waxa loo samaystay in xisbiyada la kala galo laakiin ma ogolaanayno xisbi xisbi kale ku mudaharaadaya”
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
Hargeysa, Somaliland.