Wasiir Obsiye : Goob joog ayaan u noqon doonnaa qadashada shaqaalaha hay'addaha madaxabanaan
Isniin, July, 10, 2017 (HOL) – Wasiirka shaqadda iyo arrimaha bulshadda Somaliland Maxamed
Cabdilaahi Obsiiye ayaa sheegay in hadda ka dib marka hay'adaha iyo
shirkadaha gaarka loo leeyahay shaqaalaha qaadanayaan ay goobjoog ka noqon
doonaan sida uu dhigayo xeerka shaqadda ee Somaliland.
Wasiirka
shaqadda iyo arrimaha bulshadda ayaa warbaahinta ka akhriyey xeerarka waajibka
uga dhigay wasaaradda ee ah inay ilaaliyaan in shaqadda cadaalad iyo sinaan
lagu qaaday iyo in kale, waxay akhriyey dhawr qodob oo dastuurku waajib uga
dhigay wasaaradda balse ay dayacday, waxaanu wasiirku u muuqda mid imika
baraarugay.
Wasiir
Obsiiye oo akhriyey xeerarka ka hadlaya shaqaalaha iyo loo shaqeeya iyo
kaalinta ay ku leedahay wasaaradiisu, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Xeer
numbar 31 oo soo baxay 2004-kii, waana xeerka shaqaalaha, waana shaqaalaha
rayid ah ee aan ahayn kuwo dawladda, waxaan ka soo saarayaa bayaan aan halkan
ka soo saaro qodobka 30aad, 31aad, 32aad ee xeerkaasi waana saddexda qodob ee
xeerka shaqaalaha rayidka ah, diwaangelinta shaqaalaha iyo heshiishka shaqo,
waxa laga diiwaangalinaya xafiiska wasaarada shaqadda iyo arrimaha bulshadda,
qodobka 3aad faqradiisa 1aad qof kasta oo shaqaale ah oo ka shaqeeya shirkadaha
ama hay’adaha aan dawliga ahayn ee xeerka saamaynta ku leeyahay waa in la
diiwaangaliyaa iyo heshiishkaba, lagana diwaangaliyo xafiiska waaxda ee
wasaarada shaqadda, farqadiisa labaad waa in heshiishka shaqo waa in la
diiwaangaliyo oo nuqul ka mid ah loo gudbiyo xafiiska waaxda shaqadda ee
wasaaradda”.
Waxaanu
intaas ku daray “Qodabka 31aad oo ka hadlaya qaabka shaqo qorista shaqaalaha,
iyadoo la ilaalinayo u sinaanta fursadaha shaqo ee ka banaanaada hay’adaha
madaxa banaan, faqrada kowaad waxay qeexaysa shaqo kasta oo ka banaanta
hay’adaha kor ku soo sheegnay waa in laba toddobaad lagu soo xayeysiiyaa
wargeysyadda wadaniga ah, faqradda 2aad xulushadda araajidda, Imtixaanka af
ahaan iyo qoraal ahaanba waxa wada jir u samaynaya guddi ka kooban saddex
xubnood, Labada xbnood oo loo shaqeeyaha ka socda, sarkaal ka socda wasaarada shaqadda
iyo arrimaha bulshadda, faqradda afraad waxay qeexaysa in aanay banaan
shaqaalaynta qof ajaniba ah, imika imtixaanka waxa samaysta hay’adaha ama
shirkadaha, halkii goob joog ka ahaan lahaayeen wasaarada shaqadda looma
yeedho, hadda ka dib dhici mayso, wasaarada shaqadda iyo arrimaha
bulshadda xaq ay u leedahay imtixaan qaadista iyo sixidda ayey ka qaadan doonta
haddda dib.”
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.