4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2017
Xildhibaan Beene-beene “Lama joogo xilli mooshin laga keeno madaxda dowladda Soomaaliya”


Arbaco, July, 12, 2017 (HOL) -Guddoomiyaha guddiga ganacsiga, maalgashiga iyo warshadaha ee baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan Maxamuud C/raxmaan Beene-been ayaa sheegay in xildhibaanada Soomaaliya aysan la socon wax mooshin ah oo laga keenayo madaxda dowladda Soomaaliya. 

“Ma arkin mooshin laga wado madaxweynaha ama raisul wasaaraha, warkaas waxaa keenay saxaafada iyo dad wax xun sheeg ah” ayuu yiri xildhibaan Beene-Beene ka hadlayay kulan xog wareysi ah oo ay la yeelatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minneapolis, wuxuuna intaas ku daray.

“Madaxweynaha iyo dowladu waa cusub yihiin, mana ahan in khilaaf laga horgeeyo, waxaan ka sugeynaa wax qabadan iyo horumar”

mudane Beene-beene ayaa Jaaliyada Soomaaliyeed ugu baaqay inay  wanaagga ka shaqeyso, wuxuuna sheegay in haddii aan lala shaqeyn dowladda iyo baarlamaankaba aysan waxba qaban Karin.

“Waa inaan wanaagga ku badinaa afkeenna, aan ka sheekeyno maxaa horumar la gaaray? Imisa waddo ayaa la dhisay? Imisa School ayaa la dhisay? Imisa qofood ayaa waxbarasho dibadda ah loo diray iyo imisa qofood ayaa la shaqaaleysiiyay” ayuu sii raaciyay xildhibaanku.

Xubnaha Jaaliyadda Minneapolis oo ka hadlay kulankan xog wareysiga ah ayaa iyaguna ka walaacsanaa xaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan marxalada siyaasadda, abaaraha iyo nolosha dadka caadiga ah.

“Dadlkeenu meel kasta oo ay joogaan waxay u baahan yihiin Nabadgalyo iyo Naxariis, ee aan ka wada shaqeyno nabadda iyo horumarka” ayuu Yiri Sheekh sacad oo ka mid ah culimada Minneapolis.

Farah M Ali Blue
Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis MN