4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 1 , 2017
Madaxweynaha Galmudug oo rajo ka muujiyay wada hadallada Ahlu Sunna

 

Sabti, July, 01, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in maamulkiisa uu wada hadalo la geli doono Ururka Ahlu Sunna ee fadhigiisu yahay magaalada Dhuusa Mareeb.

Madaxweynaha Galmudug oo la hadlayay Idaacada VOA ayaa sheegay in muddo dhow ay ku rajo weyn yihiin inay is hor fariistaan, si loo xaliyo khilaafka jira.

“Anaga iyo Ahlu Sunna dad kala soocan oo kala fog ma nihin, waxaa rajo weyn ka qabaa muddo dhow inaan is fahano oo aan ka heshiino wixii jira”ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Waxaa uu sheegay in wixii awood qeybsi ah laga hadli doono marka la heshiiyo oo la wada hadlo, hase ahaatee waxaa uu soo jeediyay in la isu furo labada dhinac ee ay ka kala taliyaan.

“Waxaan soo jeedinayaa in la is dhex maro oo si caadi ah la isku dhex maro, hada ciidamadeena waxay joogaan Godinlabe, ayagana waxay joogaan Mareergur, marka in la kala qaado difaacaas yaala aad ayay muhiim ugu tahay wada hadalada”ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in ay rajo ka qabaan in labada bilood ee soo socota lagu dhameyn doono wixii khilaaf ee ka dhex jira.

Ahlu Sunna ayaa wali siweyn uga oo horjeeda maamulka fadhigoodu yahay magaalada Cadaado, oo ay arkaan dhismihiisa aan loo marin sharci iyo wadatashig bulsho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]