4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 1 , 2017
Dad ka soo horjeestay waxbarashada Al-shabaab lagu xirxiray gobolka Mudug

 

Sabti, July, 01, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in 93 qof oo isugu jira odayaal, ganacsato iyo waxgarad lagu xiray deegaanka War-Shubo oo qiyaastii 90km dhanka galbeed kaga beegan degmada Xarardheere.

Dadkan ayaa la sheegay laga soo qab qabtay masjid ay ku tukadeen Salaaddii Cishaha, kaddib markii sida wararku sheeegayaan ka biyo diideen in ay ku wareejiyaan carruurtooda Al-shabaab oo horay uga dalbaday in loo soo gacan galiyo si ay waxbarasho u geeyaan.

Dad ku sugan deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in Khaliif Maxamad Warsame oo loo yaqaano Khaliif Cadale oo ka mid ah saraakiisha Al-shabaab uu ka dalbaday odayaasha in ay keenaan 100 carruura ah oo ay geeyaan madaarsitooda, haddii kale ay halkaas ku xirnaanayaan.

Al-Shabaab oo gacanta ku haysa deegaanno ka tirsan gobolka Mudug ayaa dhawrkii todobaad ee ugu danbeeyay ku cadaadinayay odayaasha qabaa'ilka in ay keenaan carruurtooda si loogu tarbiyeeyo afkaarta Al-shabaab.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]