Sabti, July, 01, 2017 (HOL) – Madaxweynaha
Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaka ubax dhigay Taalada Daljirka
Dahsoon, iyadoo maanta loo dabaal degayo 57-guuradii ka soo wareegatay,
xornimadii Gobolada Koofur iyo is raacii Koofur iyo waqooyi.
Munaasabad kooban oo ka dhacday Daljirka Dahsoon, ayaa waxaa ka soo qeyb
galay dadweyne ka kala socday degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasoo xirnaa
dharka Calanka, sidoo kale cutubyo ka tirsan ciidanka booliska iyo kooxda
muusikada baambeyda ayaa iyana ka mid ahaa.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu horeyn salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan
ciidanka, waxaa uu markii dambe ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon.
Waa markii labaad ee uu Madaxweynuhu ubax dhigo taaladan, 26-kii June ayay
aheyd markii uu halkaas ubax dhigay, xilligaasoo ku beegneyd, markii uu
horeysay ee Calan Soomaaliyeed la taago, iyo xoriyadii Gobolada Waqooyi.
Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad kooban uu ka jeediyay munaasabada waxaa uu
hambalyo ugu diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in maanta ay tahay
maalin taariikh weyn ku leh Soomaaliya, waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in
midnimadii dib loo soo celiyo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]