Sabti, July, 01, 2017 (HOL) –Madaxweynaha
Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa sidda ugu
dhaqsiyaha badan u bilaabi doonto wada hadalladii ay la lahaayeen Soomaaliland.
“Walaalaha Somaliland waxaa u
sheegayaa, kalama maarano, waa isu baahanahay, mar uun waa isu soo laaban doonaa,
waxaa dib u bilaabi doonaa wada hadaladii”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dadkii xoriyada u soo halgamay, iyo madaxdii
hore ee Soomaaliya ay ku xusuusan doonaan astaamo kala duwan oo ay ugu magac
dari doonaan.
“Waxaa muhiim ah dadkii dhaliyay xoriyadan inaan xusuusano oo aan weyneyno,
dowladdu waxay balan qaadeysaa in bilaha soo socda iyo sanadaha soo socda in
dadkii halgamayaasha ahaa inay ugu magac darto jidadka iyo dhismayaasha”ayuu
yiri Madaxweyne Farmaajo.
Dhawaan ayeey aheyd markii siddoo kale wasiirka wasaarrada arimaha dibada Soomaaliland
Sacad Cali Shire Warbaahinta u sheegay in ay diyaar u yihiin dhinacooda in dib
loo bilaabo wada hadallada.
Wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaa ku
yimid hakad, waxaana wada hadalada oo soo socday tan iyo sanadkii 2012, aan
wali laga gaarin wax natiijo ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]