4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 1 , 2017
Mareykanka oo Soomaaliya ugu hambalyeeyay maalmaha xoriyada

 

Sabti, July, 01, 2017 (HOL) – Dowladda Marekanka ayaa hambalyo u dirtay shacabka Soomaaliyeed ee maanta u dabaal-degaya 57-sano  guuradii kasoo wareegtay maalinta xoriyadda,sida lugu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay safaaradda Soomaaliya ee ku taalla magaalada Muqdisho.

Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz oo ku hadlay afka dowladda Mareykanka ayaa sheegay in uu marqaati u yahay Soomaaliya inay gaartay guulo badan oo muuqda.

“Tan iyo markii aan imid Soomaaliya aniga oo noqdey safiirkii u horeeyey muddo 25 sano ah. Waxaan markhaanti u noqdey guulaha la yaabka leh ee dadka Soomaaliyeed sameeyeen ee dib u dhiska dalkooda. Inkasta oo ay barbarsocotey khatar badan sida Macaluul, weeraro ka imaanaya al-Shabaab, dakhliga dowladda oo yar, caddaaladda oo aan tabar weyn lahayn iyo kuwo kale.” ayuu yiri Denjire Stephen Schwartz.

Inta wuxuu ku darray in dowladda Maraykanku aaminsan tahay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi iyo ra’iisul wasaare Xasan Kheyre ay dhab ka tahay in ay dalka ku soo celiyaan nabad iyo dib u heshishiisiin, dadka Soomaaliyeedna dib ugu laabtaan shaqooyinkoodi.

“Anaga Maraykanka ah iyo qaar kale oo kamid ah beesha caalamku waxaan si dhaw ula shaqeyneynaa dowladda Federaalka ah iyo maamulada gobolada ka jireyy, si isbeddel degdeg ah loogu sameeyo bulshada Soomaaliyeed.”

War ka soo baxay safiirka ayaa lagu sheegay in shaqooyinka badan horyaalaan madaxda dowladda Soomaaliya ee aan waxba laga qaban 30kii sano ee u danbeeyey.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]