4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 1 , 2017
Marine Le Pen oo baaritaan deg deg ah lagu sameynayo

 

Sabti, July, 01, 2017 (HOL) – Haweeneyda hogaamisa xisbiga midig fog ee National Front ee dalka Faransiiska, Marine Le Pen ayaa waxaa ku socda baaritaan ah in ay lunsatay lacag uu siiyay baarlamaanka Yurub.

Ms Le Pen ayaa xilligii uu socday ololaha doorashada waxa ay diiday in ay ka jawaabto su’aalo ku aaddan eedeymaha ah in ay ku tagri fashay maalka umadda.

Haweeneydan ayaa gaartay wareegga kama dambeysta ah ee doorashadii madaxtinimada ee Faransiiska ka dhacday bishii hore, kaddib markii musharraxa xisbiga Jamhuuriga, Francois Fillon uu saaxadda kaga baxay eedeymo ah in uu xaaskiisa siiyay mushaar aysan xaq u lahayn.

Danbi baarayaaasha Faransiiska ayaa hadda baaritaan rasmi ah ku billaabay Ms Le Pen, oo loo haysto inay ku tagri fashay lacag dadweynuhu leeyahay oo lagu aaminay.

Ms Le Pen ayaa horay u beenisay in ay wax khalad ah gashay, waxaana ay sheegtay in baaritaanka uu yahay mid ay siyaasadaysan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]