4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2017
Ciyaaraha Todobaadka Soomaalida oo Minnesota ka furmay shalay

Sabti, July, 01, 2017 (HOL) – Ciyaaraha Todobaadka  Soomaalida ayaa shalay si rasmi ah uga furmay Magaaladda Minneapolis , ciyaarahaan  ayaa waxaa ka qayb galaya 24 kooxood oo ka kala yimi  gobolada Maraykanka.


Madaxa Ciyaarahaan qabanqaabinaya Tababare Axmed Ismaaciil ayaa HOL u sheegay inay ugu talagaleen ciyaarahaan inay is dhexgal uga sameeyaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku kala nool goboladda dalkaan Maraykanka dhexdoodana  ka abuurno walaalnimo, iyagoo aan isku keeno todobaadka Soomaalidu meel ay jooganba ay xusaan 26 Juun iyo 1 Luuliyooo ah maalmihii xoriyada Dalkeena waana barnaamij aan joogteen doono iyadoo sanadkaan uu yahay kii 2aad ee aan qabano .

Gudoomiyaha gobolka Minnesota Mark Dayton ayaa waraaq dheer oo ku amaanayo Somali American Festival Week laga aqriyey goobta ,waxuuna sheegay in gobolka uu aqoonsaday todobaadkaan kan Soomaalida Minnesota waxaana waraaqda goobta ka aqrisay Karan Clark oo ah xildhibaanad laga soo doorto xaafadaha ay aadka u dagan yihiin Soomaalida Minneapolis.

 

Ciyaartii Kowaad ee shalay dhacday ayaa dhexmartay Kooxaha Halgan oo Minnesota ka dhisan iyo Ohio United waxaana guushii 1 iyo 0 ku raacday kooxdii Ohio United.


Ciyaartii 2aad ayaa dhexmartay kooxaha TMT Ohio & TC oo Minnesota waana labada kooxood oo ugu awooda badan labada gobol , waana labo kooxood oo uu ka dhaxeeyo xifaaltan hoose waxaase ciyaartii shalay ku soo gabagabooday 3 oo kooxda TC Minnesota keensatay iyo kooxdii TMT Ohio oo gool la’aan garoonka kala hoyatay.


Ciyaarahaan ayaa ka  socon doona  augsburg college oo ku yaal Magaalada Minneapolis ilaa Maalinta bishaan Luuliyo ay tahay 8 oo la soo gabagabeen doono.


Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis MN