4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 1 , 2017
Shacabka oo la faray in aysan guryahooda ku heysan xubnaha ka tirsan Al-shabaab

 

Sabti, July, 01, 2017 (HOL) – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad C/dalla Cawad  oo xalay khubad ka jeediyay munaasabada xuska 01da Luulyo  ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay iska soo dhex saaraan sida uu hadlka u dhigay xubnaha ka tirsan Al-shabaab..

Waxaa uu sheegay in dowladda federaalka marnaba ka guuleysan karin Al-shabaab inta Al-shabaab iyo shacabka ay meel kaliya ku wada nool yihiin

‘’Waajib ayaa saaran shacabka waliba dastuuri ah, waajibka saaran waxaa uu yahay in ay dowladda nabad-galyada kala shaqeeyaan, iska soo dhax saaraan xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee guryaha kula nool’’ haddii aysan taa sameynin shacabka dowladda ma eedi karaan’’ ayuu yiri Mahad Cawad.

Madaxda dowladda ayaa shacabka Soomaaliyeed inta badan ku dhaliila in aysan la shaqeyn hay’addaha nabad-galyada maadaama qaraxyada ka dhaca Muqdisho intooda badan saraakiisha amaanka ay sheegaan in laga soo abaabulo meelo ka mid ah Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]