4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2017
Maciishaddaha dhacay oo ku soo badanaya Soomaaliland


Sabti, July, 01, 2017 (HOL) – Shaaha magaciisa la yidhaahdo SHAAHYAHAN MASTER TEA ayaa suuqa la soo galiyey isagoo dhacay oo la bedelay taariikhda warshadda uu ka soo baxay ku muujiyey dushiisa inuu dhacayo.

Shirkadda keenta Shaahan cusub oo ah nooc xidhmooyin ah ayaa si aanay dadku u dareemin taariikhdii dhicitaankiisa loo bedelay, waxaana halka ay taariirkhdii uu dhici lahaa ku taallo lagu dhajiyey waraaq ay ku qoran tahay taariikh cusub oo muujinaysa in aanu wali dhicin, haseyeeshee haddii waraaqda sare ee taariikhda cusub ku taallo ka fujiso, waxaad arkaysa taariikhdii warshaddu ugu tallogashay oo ah mid dhacday.

Siciid Yuusuf Xuseen (Siciid Carab) ayaa sheegay in uu si kadis ah xidhmo shaah ah usoo iibsaday uu arkay in taariikhdii dhicitaanka laga bedelay,isla markaana taariikh cusub lagu dhajiyey, haseyeeshee nasiib wanaag inta aanu Shaahi Karin uu si lama filaan ah uga jaray Istiikar lagu qoray taariikhda cusub ka dibna uu arkay taariikhdii uu dhacay oo la qarinayey taas oo layaab iyo fajiciso ku noqotay.

“Waxaan tukaan aanu jaar nahay ka soo iibsaday Shaah madow, markii aan guriga imid waxaan arkay taariiikhda ku qoran oo aan wali dhicin, hasse ahaatee markii waraaqda sare ee taariikhda ku qoran tahay ka fujiyey ama ka gooyey waxaa arkay taariikhdiisii caadiga ahaa ee warshaddu ku soo samaysay oo ku taalla wuxuuna noqday Shaah dhacay, laakiin ganacsatadeena ayaa taariikhda ka soo bedeshay oo dadkeena ka iibinayey”sidaas waxa yiri Siciid Yuusuf Xuseen oo ah muwaadinka laga soo iibiyey Shaahan.

Siciid Carab waxa uu sheegay in sanad kala horeeyaan taariikhda ku dhajisan shaahan, waxaanu yidhi “Shaahu wuxuu dhacay 10/4/2017, haseyeeshee ganacsatadda dalka keentay waxay dhakadda sare kaga soo dhajiyeen taariikh aan ahayn taariikhda uu dhacay oo dadka la tusayo in aanu dhicin, waxaana lagu soo dhajiyey 01/10/2018 inuu dhici doono, waxaana labdaasi taariikhood u dhexeeya waa sanad la doonayo in dadka laga iibiyo”

Shaahan dhacay ee dadka laga iibinayo waxa magaciisa la yidhaa Shaaahyahan Master Tea, waxaana kartoonkiisa ku yaala Erayo suugaan ah oo lagu amaanayo shaahan dhacay si dadka loogu xayeysiiyo, erayada lagu amaanayo shaahan waxa ka mid ah “Waa Shaah macanno, midab iyo udgoonloo, naftu ay u muhatoo, laga wada mamsuudee meel kasta oo aad joogtaba ha moogaanin Shaahyahan Master TEA”

Ganacsatadda Somaliland qaar kamid ayaa si ula kac ah magaaladda Hargeysa u keenna Raashin dhaca, iyagoo taariikhda uu raashinkaasi dhacayo qariya inta ay taariikhdii hore bedelaan.

Muwaadin reer Somaliland ah ayaa soo bandhigay Shaah cusub oo dalka yimid oo taariikhdii uu dhacayey inta la qariyey Istiikar kale oo taariikh cusub leh lagu dhajiyey si ay dadku u moodaan in aanu dhicin.

Dadweynaha Somaliland ayaa baryahan dambe ka walaacsan Raashimada dhacay ee suuqyadda magaaladda Hargeysa ku soobadanaya, waxaana inta badan dalka keena waa muwaadiniin ganacsato ah oo dadkoodda doonaya inay sun ka waraabiyaan si ay uga macaashaan dhiiga dadkoodda.

Dhinaca kale, dadweynuhu waxay ku dhaliilayaan xukuumadda oo keeni wayday mishiinkii lagu baadhi lahaa Raashinka dhacay iyo kuwo aan tayadda lahayn, si dadka caafimaadkooda loo ilaaliyo, waxaanay dadweynuhu u ciil qabaan cidii ka qaban lahayd dhiig miiratadda ganacstadda ee dadkoodda u keenay Raashinka dhacay ee waliba macaashka badan ka raadinaya.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.