4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 1 , 2017
Daawo Sawirada sida xalay loogu dabaal-dagay munaasabada 01da Luulyo

 


Sabti, July, 01, 2017 (HOL) – Soomaaliya ayaa inta badan looga dabaal-degay xuska munaasabada  57-guurada ka soo wareegatay markii gobollada koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga dhinaca kalana is raaceen labada gobol Waqooyi iyo Koonfur.

Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay ka qeybgalay munaasabad ballaaran oo lagu qabtay xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa rajo badan ka muujiyay Soomaaliya mar uun isku soo noqon doonto.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa ka hadlay Soomaaliland, isagoo sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay in ay dib u bilowdo wadahadalladii u dhaxeeyay Soomaaliland iyo dowladda Somalia.

‘’Waxaan xasuustaan hadal uu horay u yiri Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa Soomaaliya mar ay ahaataba wey isku soo noqoneysaa, annaga oo taa ka duuleyna waxaan diyaar u nahay dhinaceena in ay si dhaqse ah u bilaawno wada hadaladii labada dhinac’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa war uu soo saarey ku sheegay isaga oo ku hadlaya magaca dowladda Maraykanka in uu hambalyo u dirayo shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay ku sugan yihiin.

Sidoo kale, munaasabado kala duwan oo loogu dabaal-degayo maalmaha xoriyada ayaa ka dhacay deegaannada maamul gobolleedyada dalka ay ka arimiyaan oo lagu soo waramayo in xalay saqdii dhexe la saaray calanka buluuga ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]