4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 1 , 2017
Trump oo sheegay in Mareeykanku ka dhamaaday dulqaadkii ay u hayeen Kuuriyada Waqooyi

Sabti, 1 Luulyo, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dalka Mareeykanka Donald Trump ayaa sheegay in dowladdiisu ka dhamaatay dulqaadkii ku aadanaa hanjabaadaha uga imaanaya dhanka kuuriyada Waqooyi, isagoo ugu baaqay beesha caalamka in ay cunaqabateyn dheeraad ah dul dhigto Kuuriyada waqooyi si loogu cadaadiyo in ay hakiso barnaamijkeeda gantaallada caagga ah ee Nuclearka.

Isagoo hadal ka jeedinayay aqalka cad xilli uu barbar taagnaa madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Madaxweyne Moon Jae-in ayuu Trump ballan qaaday in uu xoojin doono isbaheysiga uu la leeyahay Kuuriyada koonfureed iyo dalalka kale ee gobolka.

“Ujeedkeennu waa nabad, xasiloonni iyo barwaaqo ka dhalata gobolka, lakiin dowladda Mareeykanka way is difaaci doontaa, had iyo jeer way is difaaci doontaa. Mar walbana waxaan difaaci doonnaa isbaheeysigeenna,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Moon oo isticmaalayay luqad nabadeed oo ka badalan tan Trump ayaa sheegay in Mareeykanka iyo dowladdiisu ay ka wada shaqeyn doonaan cunaqabateynta iyo wadahadallo  nabadeed oo lala galo Kuuriyada Waqooyi.

Xukuumadda Pyongyang ayaa aaminsan in xiisadaha ka taagan gacan la moodka Kuuriya oo ay ka mid tahay joogitaanka 30,000 ee ciidamada Mareeykanka ay tahay mid xukuumadda Waashington ay isugu diyaarineeyso in ay dib uga huriso kuuriyada Waqooyi mid lamid ah dagaalkii 1950- 53 ee Kuuriya.

Xoghayaha difaaca Mareeykanka Jim Mattis ayaa ka digay cawaaqib xumo ka dhalan karta tallaabo Military.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.