4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 20, 2017
Yaxya Jammeh oo ugu danbeyntii aqbalay in uu xilka ka dego

 

Jimco, Janaayo, 20, 2017 (HOL) – Madaxweynihii hore ee dalka Gambia Yaxya Jammeh ayaa ugu danbeyntii aqbalay in uu xilka isaga dego, kaddib mudo 22 sano ah oo uu soo maamulayay dalkaas.

Madaxweynaha cusub ee dalka Gambia Adama Barrow ayaa shaaciyay warka ku saabsan in Yaxye Jammeh ogolaaday in uu xukunka wareejiyo, islamarkaana isaga tago gabi ahaanba dalkaasi Gambia, isaga oo warkan soo dhigay boggiisa Twitter-ka.

Go’aanka uu qaatay Yaxye Jammeh ayaa yimid kadib markii uu cadaadi xoog leh kala kulmay dalalka galbeedka Africa oo wacad ku maray in ay adeegsan doonaan awood militari hadii uu ku adkeysto in uu xafiiska sii joogo.

Guuto ka mid ah ciidamada dalka Senegal ayaa ka talaabay xadka Gambia kadib markii lagu dhaariyay gudaha safaaradaha Gambia ee magaalada Dakar ee dalka Seneglow madaxweynaha cusub Adama Barrow.

Inkastoo madaxweyne Jammeh uu markii hore aqbalay natiijada doorashadii la qabtay December sanadkii hore ee looga adkaaday, ayuu mar kale rayigiisa badalay isaga oo sheegay in uusan aqbali doonin natiijada doorashada.

Wixii xiligaan ka danbeeyay dalka Gambia waxaa ka taagnaa qalalaasi siyaasadeed oo qarka u saartay dalkaas in uu ka dhaco dagaal sokeeyo, hasse ahaatee go’aankan danbe ee uu qaatay madaxweynihii hore ayaa noqonaya mid dib u soo celiya rajadii Gambia.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]