Jimco, Janaayo, 20, 2017 (HOL) - Donald John Trump madaxweynaha cusub ee
dalka Mareykanka, ayaa munaasabad siweyn loo soo agaasimay maanta si rasmi ah
ula wareegay xafiiska, isaga oo noqonaya madaxweynihii 45 aad soo mara Mareykanka.
Donald Trump oo ku guuleystay doorashadii sanadkii ina dhaafay ee 2016ka ka
dhacday dalka Mareykanka ayeey dunida inteeda badan u akeysay nin leh astaamo
iyo siyaasado qalafsan, gaar ahaan marka la eego erayada uu adeegsado xiliyada uu
khudbadaha jeedinayo.
Si rasmi ah ayuu xilka ugala wareegay madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack
Obama kadib markii lagu dhaariyay munaasabad ka dhacday aqalka Capitol Hill ee
congress-ka Mareykanka.
Ku dhowaad hal milyan oo qof oo ka kala yimid dhammaan gobollada dalka
Mareykanka ayaa isugu yimid magaalada caasimadda ah ee Washington DC oo ah
halka ay munaasabada ka dhacday si ay
goob joog ugu noqdaan maalintan taariikhiga ah.
Trump ayaa xilka uu qabtay ku macneeyey in shacabka Mareykanka ay xukunkii
dalkooda kala wareegeen “Koox yar oo Washington DC” ku sugan.
Laakiin hadana dhinaca kale marka la eego kama marneyn meesha dibadbaxyo
looga soo horjeeday oo ay dhigayeen dad aan la dhacsaneyn in Trump oo
madaxweyne ka noqdo dalka Mareykanka, hasse ahatee waxaa muuqaneysa in si
kastaba uu hada yahay Donald Trump madaxweynaha rasmiga ah ee dalka Mareykanka.
Ugu danbeyntii, dadka ay sidan gaarka ah u taabatay doorashadii Donald Trump ee sanadkii hore ayaa waxaa ka mid ah dadka ajnabiga ah ee dalkaasi ku dhaqan oo ay Soomaalida ku jiraan, kaddib markii uu ula macaamilay si aan wanaagsaneyn isaga oo adeegsanaya erayo adag, si gaar ahna farta ugu go'daya sharci ahaanshaha joogitaankooda dalka Mareykanka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]