Xildhibaannada Galmudug oo sheegay in ay dib u dhigayaan doorashada madaxweynaha
Jimco, Janaayo, 20,
2017 (HOL) - Xildhibaannadii horaantii
bishan kalsoonida kala laabtay madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in ay dib u
dhigayaan go’aankii ay horay u qaateen ee ahaa in ay dooranayaan madaxweyne
cusub.
Xildhibaan Feysal Axmed Cabdulle oo ka mid ah xildhibaannada
Galmudug ayaa sheegay in ay dib u dhigayaan doorashada madaxweynaha cusub,
haddii xildhibaannada dowlad federaalka Soomaaliya ee ku sugan Cadaado aqoonsadaan
sida uu hadalka u dhigay sharci ahaanshaha go’aankii ay dhawaan qaateen
xildhibaannada Galmudug ee kalsoonida lagala noqday Cabdikariin Xusseen Guuleed.
‘’Sharciga Galmudug waxaa uu qabaa in mudo 30 cisho ah
gudaheed lagu doorto madaxweyne cusub marka uu madaxweynihii hore meesha
baneeyo, laakiin wey dhici kartaa in
baarlamaanka uu dib u fariisto oo go’aan dib u dhigis ah la qaato waa hadii
xildhibaannada halkan jooga aqoosadaan sharciyada go’aankii uu qaatay
baarlamaanka ee kalsoonida lagala noqday Cabdikariin Xusseen Guuleed.
Xildhibaanka ayaa sheegay in wafdiga tagay Cadaado ee ka
socda dowlad federaalka ku jiraan xubno ay wada hadal la furi karaan, taasoo macnaheedu noqonayo in ka hor inta
lagu dhaqaaqin tallabo ka dhan ah Cabdikariin Xusseen Guleed arinta laga wada
hadlo.
‘’Mas’uuliyiinta noo yimid dad wanaagsan ayaa ku jira oo aan
la hadli karno, laakiin waxaa halkan ka cadeyneynaa in aan marnaba dib uga
laaban doonin go’aanka ah kalsooni kala noqoshada Cabdikariin Xusseen Guuleed’’
ayuu yiri Feysal Axmed Cabdulle.
Ugu danbeyntii, magaalada Cadaado waxaa ka soconaya dadaalo
la doonayo in lagu xaliyo xiisada siyaasadeed ee halkaa ka aloosan taasoo
dhalisay gacan hadal ay dad ku dhinteen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]