4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 20, 2017
Abaarta Soomaaliya oo sababtay in xoola dhaqatada qaarkood naftooda gooyaan

 

Jimco, Janaayo, 20, 2017 (HOL) – Abaarta ka jirta Soomaaliya oo marba marka ka danbeysa u muuqata mid sii xumaneysa ayaa sababtay in xoola dhaqatada qaarkood nafta is dhaafiyaan kadib marka ay arkaan xoolihii ay dhaqaneyeen oo gabi ahaanba meesha ka baxay.

Wararka ka imanaya deegaanka Bacaad-weyn ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in nin ka mid ahaa reer guuraaga halkaa ku dhaqan uu is dilay.

Guddoomiyaha deegaanka Baacaad-weyn Fu’aad Yaasiin ayaa warbaahinta u sheegay in ninkan is dilay lagu magacaabi jiray Faarax Dheere oo la sheegay in markiisii hore uu ka mid ahaa dadkii ka soo barakacay gobolka Nugaal.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ninkan uu lahaa geel aad u badan oo dhamaantood ku baxay ama ku dhintay abaarta ka jirta deegaannada gobollada dhexe, taasoo keentay in uu go’aasado markii danbe in nafta uu is dhaafiyo.

Marka laga soo tago dadkan la sheegay in ay is dileen siddoo kale waxaa jira xoolo dhaqato dhimirka laga galay [Waashay] iyaga oo u adkeysan waayay nolasha adag ee laga dhaxlay abaarta.

Kiisaska noocan oo kale ah ayaa ah kuwo maalmihii ugu danbeeyayb ka soo yeeray deegaanno kala gadisan oo ka tirsan Soomaaliya, taasoo muujineysa heerka abaarta jirta oo ah mid aad u darran oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duuniyada intaba.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]