4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 20, 2017
Askari Kismaayo ku dilay qof rayid ah oo dil toogasho ah lagu xukumay

 

Jimco, Janaayo, 20, 2017 (HOL) –Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Jubaland ayaa xukun dil ah ku riday Cabdicasiis Axmed Yaasiin oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka Jubaland, kaa oo xalay qof rayid ah ku dilay magaalada Kismaayo.

C/casiis Axmed Yaasiin oo da'diisu tahay 30 sano jir ayaa toogasho ku dilay C/laahi Cismaan Cadow, kadib muran dhexmaray isaga iyo marxuumka.

Xukunka ayaa waxaa warbaahinta u aqriyay garsoore Maxamuud Isaaq Bucul, isagoo sheegay in ninkani ay maxkamaddu go'aamisay in lagu fuliyo xukun dil toogasho ah.

Xukunkan ayaa qeyb ka ah xukunno dil ah ay dowlad goboleedka Jubaland hore ugu riday askar ku eedeysnayd falal la xiriira dilal ay ka geysteen magaalada.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.