4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 20, 2017
Jabuuti oo taageero u muujisay musharaxnimada Amino Mohamed ee guddoomiyaha midowga Africa

Jimco, Janaayo, 20, 2017 (HOL) - Dowlada Jabuuti ayaa markii ugu horeysay muujineysa taageerada ay u hayaan musharaxnimada wasiirka arimaha dibada Kenya Amina Mohamed oo ah musharax u taagan xilka guddoonka midowga Africa.

Wasiirka arimaha dibada Jabuuti, Maxamuud Ali Yuusuf ayaa sheegay in xiligan la gaaray waqtigii geeska Africa ay la wareegi lahaayeen hogaanka ugu sareeya ururka midowga Africa.

“Waa waqtigii wadamada geeska Afrika ay hogaanka ugu sareeya ururka midowga Africa ay la wareegi lahaayeen wayna ku habboon tahay xilkaas Marwo Amina Maxamed iyadoo ah qofkii ugu wanaagsanaa ee abid hogaamiya ururka.”ayuu yiri wasiirka Arrimaha dibbada ee Jabuuti.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa dhinaciisa uga mahad celiyay dowladda Jabuuti mowqifkeeda ku aadan taageerada ay u hayaan Ms Amina waxana uu ku baaqay in si wadajir ah loogaga shaqeeyo sidii lagu taageeri lahaa wasiirka Arrimaha Dibada Kenya Marwo Amina Maxamed.

Ugu danbeyntii, kulan dhaxmaray wasiirka arimaha dibada Jabuuti iyo madaxda dalka Kenya ayaa looga wada hadlay xaaladaha nabad-galyo ee wadamada Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan, iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa nabad ku soo celinta labada dal.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]