4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 20, 2017
Qaramada Midoobay: Dagaal-yahanada Al-shabaab intooda badan waa Caruur

 

Jimco, Janaayo, 20, 2017 (HOL) – Xog-hayaha guud ee QM Antonio Guterres, ayaa sheegay in kala bar dagaalamayaasha Al-shabaab yihiin caruur, kuwaa oo lagu qasbo in ay ka qeyb-qaataan dagaalka ka dhanka ah dowladda DF Soomaaliya iyo AMISOM.

Xog-hayaha QM ayaa sheegay in dagaalkii dhaxmaray March 2016ka ciidamada Puntland iyo Al-shabaab inta badan xoogaggii lagu qabtay ahaayeen caruur la heystayaal ah.

Antonio Guterres, ayaa sheegay in caruurta dagaalka lagu qabtay sheegeen in laga soo waday dugsiyadii ay wax ka baranayeen xili waalidkii dhalay ay u soo direen in ay wax bartaan.

Warbixinta QM ayaa lagu sheegay in caruurtan intooda badan loo adeegsado, furmaha dagaalka, isticmaalka walxaha qarxa, ka shaqeynta basaasnimada iyo mar marka qaar howlaha guriga.

Warbixinta xog-hayaha ayaa sidoo kale sheegeysa in carruurta ka tirsan Al-shabaab oo ay dagaalka ku qasbaan ay gaarayaan da’ ahaan 9-jir, kuwaas oo la geeyo furumaha  hore ee dagaalka, iyagoo xambaarsan hub culus.

Ugu dambeyntii xog-hayaha guud ee QM Antonio Guterres, ayaaa ku baaqay in aan la dagaal galin caruurta yar yar si aan mustaqbalkooda loo lumin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]