4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 20, 2017
Boqolaal ardey ah oo ka qalinjabisay jaamacada Banaadir oo shahaado la guddoonsiiyay

 

Jimco, Janaayo, 20, 2017 (HOL) -Xaflad weyn oo shahaadooyin lagu gudoonsiinayey boqolaal arday oo ka qelin jebiyay todoba ka mid ah kuliyaddaha Jaamacadda Banaadir ayaa lagu qabtay kambaska ugu weyn Jaamacadaas ee Dr. Shahiid oo ku yaalla degaanka Km-13 ee duleedka magaalada Muqdisho.

Munaasabadan oo si heer sare ah loo soo qaban-qaabiyey ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Baarlamanka Somalia, Maamulka, Macalimiinta iyo hormuudyada Jaamacadda Banaadir, masuuliyiin ka socotay jaamacadaha kale ee dalka, qeybaha kala duwan ee bulshada, waalidiin iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Mu’asasadda Banaadir Prof. Cabdullaahi Shiikh Xuseen (Bushkuleeti) oo hadalo furitaan ah ka jeediyey xafladan ayaa u hambalyeeyey ardayda qelin jebisay oo uu sheegay iney juhdi iyo dedaal badan ku bixiyeen sidii ay heerkan u soo gaari lahaayeen.

“Marka shahaadada la idin siiyo ka dib ha is dhihina tacliinta wey dhamaatay, waxbarashadii rasmiga aheyd hadda ayey idin bilaabatay” ayuu yiri Dr. Bushkuleeti oo dhinaca kale u mahad celiyey waalidiinta ardayda qelin jebisay, iyo maamulkii iyo macalimiintii ku soo dedaalay sanadihii faraha badnaa ee ay waxbarashada ku guda jireen.

Waxaa isna munaasabadaas ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacada Jasiira Dr. Ibrahim Maxamed Xuseen oo sheegay in ardayda qelin jebineysa ay soo qaateen waqti adag oo waxbarasho, loona baahan yahay ineysan khasaarinin, dedaalkoodana sii wadaan, wuxuuna u hambalyeeyey ardayda iyo maamulka Jaamacadda.

Guddoomiyaha Jaamacada Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay munaasabadan ayaa sheegay iney u tahay maalin faraxadeed, uuna u hambalyada la wadaagayo ardayda qelin jebisay, isagoo dhinaca kale ku dheeraaday asaaska Jaamacadda marxaladihii ay soo martay, horumarka ay ku talaabsatay iyo waxyaabaha mustaqbalka u qorsheysan.

“Maanta waa maaalin farxad inoo wada ah maxaa yeelay waxaan soo gebagebeynay safar dheer oo waxbarasho, waxaana naga qelin jebineysa maanta oo shahaadada koowaad aan gudoonsiineynaa 364 aqoonyahan, 155 ka mid ay waa dhaqaatiir ka kooban wiilal iyo gabdho waa guul taariikhi ah oo u soo hoyatay bahda caafimaadka Soomaliyeed, waxaa kaloo maanta naga qelin jebiyay 64 aqoonyahan oo dhameysatay Kuliyadda beeraha, kuliyada shareecada iyo qanuunka waxaa ka aflaxay 21 aqoonyahan, Kuliyadda xanaanada xoolaha 55 aqoonyahan, kuliyadda waxbarashada 24 aqoonyaahan, kuliyadda kombiyuutar Sayniska 23 aqoonyahan, kuliyadda injineeriya waxaa iyana ka soo baxday 24 aqoonyahan” ayuu yiri gudoomiye Dalmar oo intaa ku daray in ardaydan xaflada loo sameynayo ay ku biirayaan 1,300 arday oo horey uga qebiyey Jaamacaddan, kuwaasoo xubno ka ah ururka qelin-jebiyeyaasha Jaamacadda Banaadir wuxuuna mustaqbal wanaagsan u rajeeyey ardayda dhameysatay, waxbarashada heerka Koowaad.

“Dal kasta horumarkiisa waxaa horseed u ah dedaalka ay muujiyaan aqoonyahanadiisa, wadamada horumaraya ee aad arkeysaan aqoon iyo cilmi baaris ayey ku gaareen, waxaana la idinkaga fadhiyaa inaad sidaas si la mid dadkiina iyo dalkiina u horseedaan, Soomaaliya oo hadda burburka ka soo kabaneysa idinka iyo kuwa idinla mid ah ayey u baahan tahay waa hubaal” ayuu yiri Gudoomiye Dalmar oo dardaaran adag siiyey ardayda qelin jebisay.

Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan xubnaha aqalka sare ee baarlamanka Somalia ayaa isna xaflada ka sheegay in 155-ka aqoonyahan ee ka qelin jebisay kuliyadda dhaqtarnimada ay yihiin kuwii ugu badnaa ee taariikhda Somalia isku mar ka qelin jebiya Jaamacadda Banaadir iyo guud ahaan jaamacadaha Somalia taasina ay astaan u tahay horumarka Jaamacaddu ku talaabsatay mudada 16-ka sano ah ee ay jirtay.

“Waxaan idinkaga digayaa hambalyada ka dib inaad wadooyin qaldan qaadaan sida tahriibka iyo wixii la mid ah, maxaa yeelay dalkiina oo burburka ka jira la’og yahay ayaaba idin baahan dadka la rabo iney dhibaatada ka saaraan ayaad qeyb ka tihiin” ayuu yiri Prof. Dufle oo ardayda aflaxday, waalidiintood iyo maamulka jaamacada ku amaanay dedaalka iyo dhabar adeyga ay muujiyeen.

Hormuudka kuliyada Caafimaadka ee jaamacada Banaadir Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa hambalyada guud ka sokow waxaa uu sheegay aqoonyahanada qelin jebiyey gaar ahaan dhaqaatiirta ay ku soo beegmeen xili dalka ay ka jirto baahi caafimaad, loona baahan yahay in wax badan laga qabto.

Xubno ku hadlayey magaca waalidiinta iyo ardayda qelin jebisay qaarkood oo xaflada ka hadlay ayaa si isku mid ah ugu mahad celiyey maamulka iyo macalimiinta Jaamacada Banaadir ee suuragaliyey iney waxbarashada heerkan ka soo gaaraan, waxayna isla qireen in Jaamacadda banaadir ay tahay hooyadii Jaamacadaha dalka.

Sidoo kale Hadalo isugu jiray hambalyo, guubaabo iyo dardaaran ayaa waxaa intii munaasabadan ay socotay ka jeediyey Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen hormuudka kuliyadda Culuunta Caafimaadka, Xasan Nuur Warsame, xiriiriyaha Jaamacada Banaadir iyo Jaamacadda International University oo Africa Dr. Mohamed Xaaji iyo xubno kale.

Ugu dambeyn Masuuliyiinta Jaamacadda Banaadir iyo madaxii kale ee munaasabadan goob jooga ka ahaa ayaa waxay shahaadooyin ku gudoonsiiyeen ardaydii ka qelin jebisay kuliyadaha Jaamacadda Banaadir iyo qaar ka mid ah howlwadeenada Jaamacadda oo howlkarnimo muujiyey, waxaana xafladaas ay ku soo gebagebowday jawi farxad badan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]