4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 20, 2017
Maamulka gobolada dhexe oo soo qabtay nin gacan ku dhiigle ah oo horay dil u geystay

 

Jimco, Janaayo 20, 2017 [HOL]-Maamulka gobolada dhexe oo Soomaaliya ayaa soo qabtay nin gacan ku dhiigle ah oo halkaa horay qof ugu dilay.

Ninkaa oo maamulku muddo ku raad joogay ayaa lagu guuleystay in ugu dambeyn gacanta lagu soo dhigo.

Ninkaa ayaa qof shacab ah ku dilay degmada Guriceel wuxuuna wixii markii dilka uu geystay kadambeeyay ilaa laga soo qabto ahaa baxsad.

Madaxa amniga ee degmada Guriceel Gallad Maxamuud Qeyliye ayaa warbaahinta uga waramay ninkaa iyo sidii loo soo qabtay.

'Ciidamada maamulka gobolada dhexe ayaa ku guuleystay inay soo qabtaan nin horay nin shacab ah ugu dilay tuulada Olol ee degmada Guriceel ninkaasoo masaajid kasoo baxay uruurinaayayna xoolo masaajid lagu dhisayo'. Gallad Maxamuud Qeyliye ayaa sidaa yiri.

'Ayadoon dhibaato dhicin ayay ku guuleysteen ciidamadu inay soo qabtaan dambiilaha dilka geystay.Hada wuxuu ku xiran yahay degmada Guriceel'.

Gallad Maxamuud Qeyliye ayaa intaa ku daray in ninkaa dambiilaha ah sharciga la hor geyn doono.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]