4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 20, 2017
Dagaal culus oo xalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose

Jimco, Janaayo, 20, 2017 (HOL) – Dagaalyahanno ka tirsan xoogagga Al-shabaab ayaa saqdii dhexe ee xalay weeraro culus ku qaaday fariisimo ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Dadka ku dhaqan degmada qaarkood oo subaxnimadii hore ee saakay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qeybo ka mid ah degmada gudaha u soo galeen galeen xoogagga Al-shabaab oo dagaal culus la gallay ciidamada dowlada oo markii danbe ku guuleystay in ay dib isaga caabiyaan.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo ahaa mid dhinacyada iska soo horjeeda isku weydaarsadeen noocyada kala duwan ee hubka.

Sidoo kale ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo la xiriira dagaalka.

Ugu danbeyntii, marar badan oo hore ayeey Al-shabaab sidan oo kale u weerareen fariisimaha ciidamada dowlada iyo AMISOM ee degmada Afgooye.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]