4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 19, 2017
Daawo Sawirrada Daar 17 dabaq ah oo ku duntay magaalada Tahran


Khamiis, Janaayo, 19, 2017 (HOL) -- Tobanaan dab-damiyayaal ayaa laga baqayaa in ay dhinteen kadib markii daar dheer oo 17-dabaq ah ee magaalada Tehran ee Iran, uu dab qabsaday kadibna ay duntay.

Laba boqol oo dab -damiyayaal ah ayaa la dagaalamayay dabka ka kacay daarta saacado badan, ka hor intaysan dumin ilbiriqsio gudahood.

In ka badan 200 oo qof ayaa lagu soo waramayaa in ay dhaawacmeen.kuwaa oo qeyb ka ahaa howlaha lagu daminayo dabka qabsaday daarta.

Daarta oo la dhisay 1962, ayaa ahayd mar daarta ugu dheer Tehran, waxaana ku yaalay xarumo dukaamo.

Dabka ayaa lagu soo waramayaa inuu bilaabmay saakay (04:30 AM), oo ahayd waqti dhismaha uu cidlo ahaa.

Sawirradii ugu horeeyay ayaa laga arkayaa dab iyo qiiq ka baxaya dhismaha iyo daarta markii danbe dhinac u ciirtay oo bilaawday in ay dunto.

Horaantii, afhayeenka dab-damiska Jalal Malek, ayaa sheegay in dhismaha aysan oolin qalabkii dab-damiska.

“Dhowr jeer ayaan u dignay madaxda dhismaha in aysan jirin ammaan darida dhismaha” ayaa laga soo xigtay in uu u sheegay wakaalada wararka ee AFP.

Burburka dhismahana ayaa argagax ku riday dhamaanba dadka ka agta dhawaan, iyo dadkii deganaa daaraha ama dhismayaasha ka dhisanaa daafaha daartay duntay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]