Khamiis, Janaayo, 19, 2017 (HOL) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacday
doorashada xubnaha xildhibaanada golaha shacabka ee ka imaanaya deegaannada
Soomaaliland, waxaana la doortay saddex xubnood.
Doorashada oo ka dhacday xarunta gaadiidka booliska ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku
tartamay siyaasiyiin ka soo jeeda gobollada Waqooyi, taasoo xiiso gaar ah u
yeeshay doorashada.
Xubnaha maanta la doortay ayaa waxaa ay kala yihiin Maxamed C/llahi
Kaamil oo 51 cod kaga guuleystay Jibriil Sacad Muuse, Seynab Caamir oo heshay
48 cod iyo Maxamed Cali Xagaa oo 50 cod kaga adkaaday Maxamed Iidle Kheyre.
Natiijada kuraasta maanta lagu doortay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku
dhawaaqay xubno ka tirsan gudiga doorashada heer federaal.
Ugu danbeyntii, 269 xildhibaan ayaa ilaa iyo hadda la soo doortay, waxaana guud ahaan
xildhibaannada gollaha shacabka ka dhiman Lix kursi oo 5 ka mid ah dib looga
soo dooranayo dowlad gobolleedyada, halka xildhibaanka soo harayna uu wali ku
dhiman yahay beellaha gobollada Waqooyi.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]