4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 19, 2017
Daawo Sawirrada barakac xoog leh oo ka bilaawday magaalada Banjul ee dalka Gambia


Khamiis, Janaayo, 19, 2017 (HOL) - Dalka Gambia ayaa xiligan galay xaalada adag, waxaana dadkii dalxiisayaasha ahaa iyo ajaaniibtii ku nooleed magaalada Banjul ay bilaabeen in ay isaga cararaan, iyaga oo ka cabsi qaba in dagaalo iyo qalalaase ay ka dhacaan.

Kumanaan Dalxiisayaal iyo Ajaaniib kale oo ku nooleed magaalada caasimada ah ee Banjul ayaa isaga qaxay, waxaana dalkaasi gaaray diyaarado dadkaasi looga soo daad gureeyay, gaar ahaan dadka barakacaya ayaa intooda badn ah dadkii ajnabiga ahaa ee dalkaasi joogay.

Dowlada Senegal ee dariska la ah dalka Gambia ayaa ciidamo badan geeysay xaduuda dalkaasi, waxaana laga cabsi qabaa in ciidamada Senegaal iyo ciidamo kale oo ka socda wadamada Galbeedka Afrika ee ECOWAS faro galin milatari ku sameeyaan dalka Gambia .

Senegal ayaa waydiisatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay ansixiso urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS, inay qaadaan tallaabo lagu hubinayo sidii xukunka loo wareejin lahaa dalka Gambia.

Ugu danbeyntii, madaxweynihii doorashad looga adkaaday ee dalkaas Gambia Yahya Jammeh ayaa diiday in uu xilka ku warejiyo madaxweynaha la doortay ee Adama Barrow oo hada ku sugan dalka Senegal, waxaana la qorsheenayaa in madaxweyne Yahya xilka looga tuuri si qasab ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]